AXMED MADOOBE: Waa in loo Is-taago sidii loo Joojin lahaa Colaaadaha ka Taagan Baladweyne

Ahmed Madobe speaks after being re-elected, in the southern port town of Kismayu August 15, 2015. REUTERS/Abdiqani Hassan

Kismaayo (NN) 24/05/2016

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo Colaadda ka Taagan magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo maalmihii la soo Dhaafay ay ku dagaallamayeen malleeshiyo beeleed wada-daga deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlayay Kismaayo, ayaa sheegay inuusan garanayn macnaha uu leeyahay dagaalka Beledweyn, isla markaana ay tahay in si wadajir ah loogu istaago sidii loo damin lahaa colaaddaas.

“Colaadda ka taagan Baladweyne macnaha ay leedahay anigu ma Garanayo, balse waxaa ku baaqayaa in loo istaago sidii lagu joojin lahaa, ayna Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada si wadajir ah uga qayb-qaataan sidii colaada lagu joojin lahaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in iyadoo la sugayo in maamul-goboleed loo dhiso Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe inay Colaado beeleed dib uga billowdaan.

“Innagaa Soomaali ah, waana inaan isku gurmanno, waa inaan xalinno kooxihii is-haysata iyo kuwa wax kala tabanaya oo dhan, arrinta Gobolka Hiiraan ka taagana waa in si dhaqso ah wax looga qabto,” ayuu hadalkiisa ku daray Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dadaal badan lagu bixiyo sidii maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe uu u dhismi lahaa; kaasoo xilligan aan si rasmi ah la isugu raacsanayn dhismihiisa.

Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shacabka ku nool Magaalada Baladweyne ay isku biir-sadeen xilligaan colaado iyo fatahaado ay dad badan ku barakaceen.

 

Comments are closed