Prof. Dufle oo Abaal-marinta Somali Peace Award lagu Gudoonsiiyay Dalka Norway

somaliOslo (NN) 24/05/2016

Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka mid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, ayaa si rasmi ah loo gudoonsiiyay abaalmarin sanadeed ay bixiso heyadda Somali Peace Award ka dib munaasabad balaaran oo lagu qabtay Magaalada Oslo ee dalka Norwey, taasoo ay ka Qayb-galeen xubno badan oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Norwey, Mas’uuiyiin kala duwan iyo marti sharaf kale.

Guddiga Somali Somali Peace Aword oo kooban shan xubnood 19-03-2016 waxay ku dhowaaqeen in sanadkan abaal-marinta Somali Peace Aword ee nabada iyo waxtarka bulshada uu ku guuleystay Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah dhaqtar Soomaaliyeed.

5Ex-Xildhibaan Ubax Aadan oo ka mid ah gudiga Somali Peace Aword oo ka mid aheyd xubnaha halkaas ka jeediyey khudbadaha ayaa ka hadashay muhiimada uu fikirka abaal-marintani u leeyahay umada iyo faa’iidooyinka laga  dhaxli karo,  waxayna u mahadnaqday cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan iyo weliba gudoomiyaha Somali Peace Aword.

“Markii aan aragnay shuruudaha guddiga ee u yaalla qofka la siinayo abaal marinta oo ay ka mid yihiin, inuu yahay qof wax u huray umada iyo dalka, inuu yahay qof aan ku lug laheyn burburka iyo dhibaatada dalka ka dhacday bulshadana ugu shaqeeya si hagar la’aan ah, inuu yahay qof wax muuqda ku kordhiyay nabada iyo horumarka dalka, inuu yahay qof shaqadiisa saameyn balaaran ku leedahay bulshada ayaa waxaan go’aansanay in abaal marintan uu mudan yahay Dr. Dufle oo ah dhaqtar iyo siyaasi Soomaaliyeed” ayey tiri Ubax Abdullahi Aadan.

6Baashe Muuse oo ka mid ah xildhibanada golaha degaanka caasimada Oslo ayaa isna ugu hambalyeeyay dhakhtarka hawsha uu umadiisa u qabtay iyo billada uu ku guulaystayba isagoo kula dardaarmay inuu dedaalkiisa halkaas ka sii wado.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka wadanka Norway ah oo magaciisa la yiraahdo Xildhibaan Abdullahi Allason ayaa ka hadlay faa’iidada ay bulshada u leedahay iyo fariinta ay wadato Billada Somali Peace  ward wuxuuna u hambalyeeyey Prof. Dufle.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadan khudbad ka jeediyey Prof. Cismaan Maxamud Dufle oo ah shaqsiga ku guuleysatay billada Somali Peace Award isagoo mahadnaq balaaran u jeediyay marti sharaftii iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku soo dhoweysay Oslo.

 

“Waxaa salaan & Mahadnaq u soo gudbinayaa guud ahaan Jaaliyadda reer Norwey Guddiga Somali Peace Award & gaar ahaan Guddoomiyaha  SPA Maxamed Saadaq, sida diiran ee aad iigu soo dhowayseen Oslo Waxaa kale oo sharaf weyn ii ah inaan idinkala soo qayb galo xafladda gudoonsiinta Abaal marinta Shaqsiga sanadka 2016 ee nabadda iyo Waxtarka Bulshada waxaan kale oo aan ku faraxsanahay in aan noqdo Shaqsiga ku soo baxay, dabcan waxaa jiri kara dad iga wanaagsanaa ama iga dadaal badnaa, haddana Ilaahay baa nasiibkayka ka dhigay inaan ku guulaysto” ayuu yiri Prof. Dufle oo sidoo ah gudoomiyaha guddiga adeega bulshada ee baarlamanka Somalia.

Waxaa uu ugu dambeyn mahad celin gaar ah u jeediyey Guddiga Somali Peace Award  iyo Guddoomiyahooda oo markii ugu horaysay curiyay fikirka Abaal marinta shaqsiga waxtarka u yeesha bulshada, Jaaliyadda reer Norwey iyo Wafdi ka yimid Jaaliyadda Sweden.

Xubin ku hadlay magaca qabanqaabiyeyaasha ayaa xusay inaan la soo koobi karin Prof. Dufle waxyaabihii uu qabtay balse ay ugu muhiimsan yihiin abaabulkii uu ka gaystay isaga iyo Guddigii Isku Dhafka Caafimaadka Muqdisho kaasoo waxweyn ka taray u gargaaridda dhaawacii uu sababay dagaaladii sokeeya ee ka qarxay caasimada  sanadkii 1992, ayna  ka talaabeen wixii la dhihi jiray khadkii cagaarnaa ee Muqdisho kala qaybin jiray, wuxuuna xusay iney dib u hawlgeliyeen Isbitaaladdii ayna ku dhax shaqaynayeen dagaaladii oo socda.

3“Waxaa xusid mudan in Prof. Dufle uu u ka dhigay xabsigii hore ee Kaysanay in loo bedelo Cusbitaal Kaysanay oo ilaa iyo maanta bulshada u adeega. Toban sano ka dib 2002dii dhaqaatiir kooban oo uu ka mid yahay Prof. Dufle waxay aasaaseen Jaamacadda Banaadir kuliyadda Caafimaadka si loo helo dhaqaatiir cusub oo dhalinyaro ah si ay u buuxiyaan kaalintii ay baneeyeen dhaqaatiirtii dalka ka baxday iyo kuwii geeriyooday. Musiibadii Hotel Shaamow ee qabsatay ardaydii qalin jebinaysay ee Jaamacadda Banaadir, waxaa ku dhintay dad badan oo mas’uuliyiin muhiim u ahaa bulshada qaar kalena wey ku dhawacmeen, Prof. Dufle wuxuu ahaa waqtigaas qofkii qudbada aqrinayay. Dhacdadaas ma noqon mid hakisa hadafkii asaasayaasha Jaamacadda Banadir ee ahaa in la soo saaro jiil cusub oo dhaqaatiir ah riyadaasina waa rumowday, maxaayeelay  waxaa ka qalinjibisay 470 dhaqtar oo waddan oo dhan ka shaqeeya” ayaa lagu yiri warbixinta kulanka laga akhriyey.

Xafladan oo ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa intii ay socotay hadalo isugu jiray mahadcelin iyo dardaaran ka jeediyey xubno ay ka mid ahaayeen Abwaan Abdirashid Maygaag, Eng. Mahad Abib Mahamud, Al Fanaan Cali Isaaq oo heeso guubaabo ah ka qaaday goobta, Ahmed Oriye oo ka socday ururka Xanaano, Abdiqadir Khaliif Abdulle oo ka tirsan guddiga Guddiga Somali Peace Award iyo shaqsiyaad kale.

Abaalmarintan ayaan aheyn tii ugu horeysay Prof. Dr. Dufle la gudoonsiiyo, waxaana sanadkii sanadkii 2015 bilad iyo abaal marin gudoonsiiyey machadka caalamiga ah ee Giussepe Pitre oo ku yaala dalka Talyaaniga kaasoo sidoo kale Prof-ka u sharaxay abaal marinta caalamiga ah ee Nopel Peace isagoo noqday dhaqtarkii ugu horeeyey qaarada afrika ee abaal marintan loo sharaxo.

 

Comments are closed