Roma: Kulan dhexmaray Imaamka Al Azhar iyo Badariga Katooliga

romaRoma (NN) 24/05/2016

 Hogaamiyaha Masiixiyiinta katooliga Francis ayaa isniintii shalay kulan gaar ah la yeeshay Imaamka Al Azhar Shiikh Axmed al-Tayeb oo booqasho ku tagay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Shiikh Axmed Al Tayeb ayaa la sheegay inuu aqbalay casumaad uu u fidiyey hogaamiyaha Kirishtaanka Katooliga ah ee saldhigoodu yahay Vatican-ka, waxaana la sheegay in kulankaasi looga wada hadlay arrimaha khuseeya labada dhinac sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Baadariga Francis.

Xiriirka ka dhaxeeya Katooliga iyo Islaamka ayaa sii xumaaday sanadkii 2006 kadib markii Baadarigii xiligaasi joogay ee Benedict khudbad uu jeediyey si dadban ugu aflagaadeeyey diinta islaamka oo uu la xariirsiiyey falalka argagaxisada, hadalkaasi oo saameyntii uu yeeshay ay u muuqato inay Katooliga doonayaan inay hada ka daba tagaan.

Alazhar-Vatican

 

Comments are closed