Saameynta Fatahaadda iyo Ganacsiga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

fatahaadyoBaladweyne (NN) 24/05/2016

Ganacsiga Magaalada Baladweyne, ayaa waxaa saameyn Xoog leh ku yeeshay Fatahaadaha ku Dhufatay Magaalada Beledweyne, kaddib markii ay Goobaha ganacsiga buux dhaafiyeen dadaadka ka soo rogmaday Webiga Shabeelle.

baladweyneMarka laga soo tago xarumaha Ganacsiga Qaarkood oo laga saaray Wixii Hanti ahaa ee ku jiray, Waxaa jira Ganaacsato wali Goobahooda ku Adkeysanaya, Gaar ahaan Bakhaarrada lagu iibiyo rashinka oo ilka hore laga dhigay biyo xerooni kaddibna dadka intooda awooda in ay soo gaaraan ka iibinaya wax yaabaha ay u baahan yihiin.

Laakiinse, inta badan goobaha ganacsiga waa kuwa faaruq ah kaddib markii ay kala baxeen ganacsatada agabkii kala duwanaa ee u yaallay, iyagoo u wareejiyay Ganacsiga Deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Bari ee Magaalada Beledweyne oo ay u barakaceen dadka intoodii badneyd.

baladweyne1Ugu dambeyn, Gadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa ka Quusatay inay maran Waddooyinka Magaalada qaarkood, waxaana gadiidka kaliya hadda la adeegsado uu noqday (Gaari-dameerka) oo laf ahaantiisa ay khasab tahay in ay isla kaxeeyaan dhowr qof si loo jiirsiiyo xowliga biyaha.

 

Comments are closed