Agaasimaha Shirkadda DP World oo sheegay in Dekeda Berbera ay ku taal Meel Fiican

barbaraBerbera (NN) 25/05/2016

Wefti uu hogaaminayo agaasimaha guud ee shirkadda DP World Sultaan Axmed Bin Suleymaan, ayaa  kulan Al-baabbadu u xidhan yihiin la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana Kormeer indho-indheyn ahaa kusoo maray Dekadda Berbera.

Kaddib markiii uu soo indho-indheeyay Dekadda Berbera iyo sida ay u shaqayso waxaa la hadlay Warbaahinta wasiirka Arrimaha Dibadda Dr:Sacad Cali Shire iyo agaasimaha guud ee shirkadda DP Wolrd Sultan Axmed Bin Suleymaan.

”Waxaanu soo kormeernay Dekedda iyo Qaybeheeda waxaanan kusoo aragnay shaqo aad u Wanaagsan, in ay meel Wanaagsan ku Taallo, Dadka Maamulayaana ay yihiin kuwii ku habboonaa shaqadaasi. Waxa kale oo aanu soo aragnay deked ku taalla meel istaraatiiji ah, oo ah dekedii aanu rabnay in aanu la macaamilno”ayuu yidhi agaasimaha guud ee shirkada DP World Suldan.

Agaasimaha guud ee shirkada, Sultan Ahmed Bin Sulayem  ayaa sheegay in dekadda Berbera ay tahay  meel ku haboon in la maalgashaddo, isla markaana shacabka ugu bushaareeyey maalgalinta ay ku samaynayaan dekadda Berbera.

“Waxaa ii farxad ah sharafna ii ah in aan idinla joogo Hargeysa. Waa socdaalkaygii ugu horeeyey, dareen I taabtay ayaan kala kulmay, manaan moodayn in dalkani intaa leeg yahay, waanan rumaysan kari waayey. waxan booqday dekeda berbera iyadoo uu gadhwadeen noo yahay Eng Cali Xoor-xoor wanan ku farxay shaqada ka socotay iyo khibrada ay leeyihiin masuuliyiinta iyo hawlwadeenada dekeda ka shaqeeya, oo aan runtii u qirayo inay hayaan shaqo wacan”ayuu hadalkiisii raaciyey agaasimuhu.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Socdaalkayagu waxa uu na geliyey kalsooni, waxa aanu ogaanay inay dekedani ay tahay tii ku haboonayd heshiiska taariikhiga ah ee aanu galnay, annagoo ka wakiila dawlada Isu-tagga Imaaraadka Carabta, heshiiskan oo ah mid ay wada galeen labada madaxweyne ee labada dal, markuu madaxweynuhu nagu soo booqday halkaas,. Waxan labadayada dhinac ku heshiinay in aanu dekeda Berbera ka qaadno sida ay tahay, kana dhigno deked caalamiya oo casriya oo leh aagga ganacsiga xorta ah iyo qaybaha la dhigo qalabka dekedaha. Waa heshiis dhex maray laba dawladood, Imaaraadka iyo Somaliland iyo ummadahooda oo ay ku jiraan ganacsatada labada dhinac. waxa aanu aaminay halka Illaahay dhigay dekeda berbera ee ay dunida kaga taalo inay tahay meel wacan. Waxa kale oo aan ku faraxnay sida wanaagsan ee ay ugu xidhan tahay Itoobiya oo ku haboon koboca dadka iyo dhaqaalaha Itoobiya oo ay tahay dekedii ku haboonayd inay u adeegto dadkaa tirada badan.

Wuxuu ka hadlay oo kale qaybta ganacsiga xorta ah ee Dekedda, wuxuuna yidhi: “Qaybta dekeda ee xorta ahi waxay noqon doontaa qayb ganacsatada caalamka soo jiidata waxan leenahay 30 sanadood oo khibrad dhinaca dekedaha ah. Waxan maamul ku leenahay dekedo gaadhaya 77 dekedood oo ku yaala 40 dal oo dunida ah gaar ahaan Afrika, kana mid yihiin Jabuuti, Masar, Algeria iyo Senegal iyo kuwo kale ”.

Agaasimaha DP Wolrd ayaa la waydiiyey Su’aal ku saabsanayd in uu door ku leeyahay ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Boorre heshiiska, isagoo ka jawaabaya agaasimaha guud ee shirkada DP World, waxa uu yidhi “Sheekadan ku tidhi ku teenka ah hore ayaan u maqlay, sidaad adiguba u maqashay ee ku saabsan Boorre.Mr. Boorre wax shaqo ah kuma laha habayaraatee heshiiskan. Heshiiskani waxa uu dhacay muddo hore. Waxanu u taagan yahay kana turjumayaa heshiis dhex maray laba dawladood, isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland. Go’aanka in heshiiskan la galaana waxa lahaa labada madaxweyne ee labada dal. Waa heshiis dhex maray laba dawladood. Waxa saamilay ka ah dawladda Somaliland iyo Imaarada Dubai. Cid kale waxba kuma leh, Boorrana hadalkiiba daa, wax dan ah oo uu ku leeyahayna ma jirto.”

Intaas kaddib, waxaa isna halkaas ka hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr:Sacad Cali Shire, waxa hadalkiisa ka mid ahaa“Somaliland iyo Dalka imaaraadka Carabta, waxay leeyihiin xidhiidh aad iyo aad u fog oo taariikhiya, ganacsi ayaa inaga dhaxayn jiray muddo badan, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa degan oo ka ganacsada oo qaarkood ay leeyihiin dhalashada Imaaraadka”

Isagoo hadalkiisa sii wata wasiirku waxa uu yidhi “waxan soo dhawaynaynaa maalgashiga Berbera, dhismaha iyo horumarka Berbera. waxa la socda qaybta ganacsiga xorta ah lagu sameeyo (Free Zone) oo la mida sida qaybta Jabal Cali ee ku taala Imaarada Dubai. Waxa kale oo ku lamaansan Isfahan guud oo aanu kala heshiinay shirkadaas, kana mid yihiin wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale, beeraha, tamarta, xagga shaqo abuurka oo labada dhinacba faa’iido u leh. Waxa kale oo aanu kala hadalnay, dal ku galka ay ganacsatadeenu isticmaali doonaan oo ah sharciga ay dalkaa ku geli karaan kuna joogi karaan, waxanay naga ballan qaadeen inay arrintaa ka hawlgelayaan, codsina u qadimayaan amiirka dalkaasi, sidii loogu fudaydin lahaa arrintaas”.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu intaas ku daray. “Heshiiskan wuxuu dhiiri-gelinayaa dad badan oo danaynaya inay dalkan maalgaashadaan, marka Somaliland la maal-gashadana shaqo ayaa ka abuurmaysa, taasina waxay inoo suurto gelinaysaa inaynu maarayno dhallinyaro badan oo kuweena ah oo shaqo la’aan haysato, taasoo ah mudnaanta dawladan”

 

Comments are closed