kulan lagu qiimaynayay waxqabadka 3dii bilood ee mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee marka afka qalaad la soo gaabiyo loo yaqaano RIF ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI waxaana ka soo qaybgalay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed masuuliyiinta mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka RIF, ku simaha maareeyaha ururka horumarinta somalida itoobiya ahna ku xigeenka UHSI mudane Cabdikhadar Ilyaas Gaaruf iyo masuuliyiin ka socday wasaarada caafimaadka ee heer faderaal oo uu hogaaminayay agaasimaha guud ee waaxda caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Ephrem Tekle.
Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo qiimayn lahaa waxqabadka 3 bilood ee mashruuca RIF ee dhinacyada fulinta shaqooyinkii qorshaysnaa gaar ahaan fudinta adeegyada caafimaadka iyo habsami u isticmaalka miisaaniyada
Waxaana ugu horayntii ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciidoo ka warbixiyay kaalinta waxqabad ee uu mashruucani ku leeyahay hirgalinta adeegyada caafimaadka gaar ahaan caafimaadka hooyada iyo dhalaanka. wuxuuna tilmaamay wasiirku in mudadii koobnayd ee la hirgaliyay mashruucan uu guulo waawayn ka soo hooyay fidinta iyo wacyigalinta adeegyada caafimaadka
Dhankood masuuliyiinta ka socday wasaarada caafimaadka ee heer faderaal oo maalmihii ugu danbeeyay u kuurgalayay adeegayad caafimaad ee uu fidiyo mashruucani heer deegaan ilaa degmooyinka ayaa soo jeediyay warbixinta natiijadii ay ku soo arkeen kuwaasi oo sheegay in ku faraxsan yihiin waxqabadka iyo geedi socodka mashruucan gaar ahaan dhinaca wacyigalinta bulshada.
Comments are closed