Kulan lagu Qiimaynayay Mashruuca Dhimista Dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka RIF.

bJigjiga (ESTV) 25/05/2016

kulan lagu qiimaynayay waxqabadka 3dii  bilood ee  mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee marka afka qalaad la soo gaabiyo loo yaqaano RIF ayaa  ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI  waxaana  ka soo qaybgalay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed masuuliyiinta mashruuca dhimista  dhimashada hooyada iyo dhalaanka RIF, ku simaha maareeyaha ururka horumarinta somalida itoobiya ahna ku xigeenka UHSI mudane Cabdikhadar Ilyaas Gaaruf  iyo masuuliyiin ka socday wasaarada caafimaadka ee heer faderaal oo uu hogaaminayay agaasimaha guud ee waaxda caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Ephrem Tekle.

nbbKulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo qiimayn lahaa waxqabadka 3 bilood ee mashruuca RIF ee dhinacyada   fulinta shaqooyinkii qorshaysnaa  gaar ahaan  fudinta adeegyada caafimaadka iyo habsami u isticmaalka miisaaniyada

Waxaana  ugu horayntii  ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciidoo ka warbixiyay kaalinta waxqabad ee uu mashruucani ku leeyahay hirgalinta adeegyada caafimaadka gaar ahaan caafimaadka hooyada iyo dhalaanka. wuxuuna tilmaamay  wasiirku in mudadii koobnayd ee la hirgaliyay  mashruucan uu  guulo waawayn ka soo hooyay fidinta iyo wacyigalinta adeegyada caafimaadka

 

Dhankood masuuliyiinta ka socday wasaarada caafimaadka ee heer faderaal  oo maalmihii ugu danbeeyay u kuurgalayay adeegayad caafimaad ee uu fidiyo mashruucani heer deegaan ilaa degmooyinka ayaa soo jeediyay warbixinta  natiijadii ay ku soo arkeen kuwaasi oo sheegay in ku    faraxsan yihiin waxqabadka iyo geedi socodka mashruucan gaar ahaan dhinaca wacyigalinta bulshada.

Comments are closed