DAAWO: Doorashada USA: Hillary oo eedeyn horleh kala kulantay Gudiga Wasaarada Arr-Dibada

heliMareykanka (NN) 26/05/2016

Guddi ay wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka u saartay soo baarida dacwada Xoghayihii hore Hillary Clinton loo heysto ee ah inay sirta Wasaarada ay u adeegsatay emailadeeda khaaska ah intii ay xilka heysay, arrintan oo dhaawici karta ololaheeda Doorashada.

Hillary Clinton ayaa hada hogaaminaysa murashaxiinta Xisbiga Dimuquraadiga, balse waxaa weli laga cabsi qabaa in lagu maxkamadeeyo dacwadan loo heysto ee la xariirta dayicida xogta sirta ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada.

Guddiga arrintan baarayey ee wasaaradii ay kasoo talin jirtay ayaa sheegay in Hillary Clinton ay wax badan ka dhego adeygtay talooyin loo soo jeediyey oo ahaa inay sugto amaanka xogta Wasaarada iyo qoraalada sirta ah oo ay u isticmaasho email server ugaar ah oo aysan dowlada amaankeeda sugin.

hillaryclintonEmailo

 

Waxaa dhinaca kale weli socda baaritaan ay wado hay’ada danbi baarista ee FBI oo eegaysa in dacwada loo heysto Hillary Clinton maxkamad lagu soo taagi karo, balse weli go’aan kama soo bixin hay’ada danbi baarista Maraykanka.

Hase yeeshee dhawaaqa kasoo yeeray Guddiga Wasaarada Arrimaha Dibada ee arrintan eegayey ayaa ah mid muujinaya in dacwadan loo heysto Hillary ay tahay mid adag oo keeni karta in maxkamad loo gudbiyo.

Arrintan ayey si weyn u xiiseenayaan taageerayaasha Murashaxa kula tartamaya Xisbiga Dimuquraadiga Bernie Sanders oo loolan adag kula jira Hillary Clinton.

Sidoo kale dhinaca Xisbiga Jamhuuriga murashaxooda Donald Trump ayaa ku doodaya in Hillary Clinton aan loo ogolaan karin inay tartankan ka qeyb gasho maadaama ay ku furan yihiin dacwado.

Comments are closed