Golaha Kabineedka DDSI oo Maanta Ansixiyay Misiiniyad & Ajandoonyin kale

abdiJigjiga (ESTV) 26/05/2016

Waxaa saaka si habsami ah uga bilawday hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha Kulankii 12, aad ee golaha kabineega DDSI.

Hadaba, kulankan oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayuu u soo bandhigay golaha kabineega ajendayaasha kulanka oo ahaa: in hadhaaga Miisaaniyada degmooyinka lagu dhiso guryo low-cost ah,  ansixinta lacagta daynta ah ee lasiinayo dadka danyarta ah sanadkan, lacagta lagu soo iibinayo xoolaha lasiinayo dadkii kubarakacay abaarihii gobolka sitti, qorshayaasha sanadka 2009TI oo 1 ilaa 3 biyaha ah iyadoo jihooyinka biyo-xidheenada, jidadka  gaar ahaan Buundooyinka iyo waliba iskuxidhida wadooyinka ilaa heer qabalee xooga lasaarayo, guryaynta, Maamulka suuban khaasatan in xafiisyo ay kushaqeeyaan loo sameeyo maamulada tuulooyinka, in laqabto shirwaynaha 7, aad ee wada-tashiga xukuumada iyo shacabka, iyo waliba in tababar lasiiyo shaqaalihii hormuudka ahaa ee degmooyinka lagu shaqaalaysiiyay.

Kadibna, golaha ayaa si qoto-dheer ufalanqeeyay qodobada kulankan ee kor kuxusan. Wuxuuna goluhu codbuuxa ku ansixiyay hirgalinta iyo meel-marinta dhamaan ajandayaasha kulankan.

Ugudanbayna, kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi midho dhal ah oo horumarka deegaanka kor usii wadaya.

Comments are closed