Switzerland oo dooneysa inay la wareegto Hantidii Madaxda lacagta dhigtay dalkaasi

Facade of Swiss bank with Swiss flag, Bank Building of Credit Suisse, Bahnhofstrasse, Zurich, Canton of Zurich, Switzerland

Switzerland

Golaha Wasiirada ee dowlada Switzerland ayaa ka doodaya sharci cusub oo u fududeenaya dowladaasi inay la wareegto hantidii hogaamiyayaasha Caalamka ay dhigteen bangiyada ku yaal dalkaasi, si dib loogu celiyo lacagtii laga soo dhacay wadamada ay ka talin jireen hogaamiyayaashaasi.

Dowlada Switzerland ayaa horey xanibaad u dul dhigtay lacago badan oo malaayiin dollar ah oo ay lahaayeen qaar kamid ah hogaamiyayaashii hore ee xilalka laga tuuray, hantidaasi oo la rumeysan yahay inay Madaxdaasi kasoo dhaceen wadamadii ay ka talin jireen.

Hogaamiyayaasha ugu danbeeyey ee hantidooda u taalay Switzerland la xanibo waxaa ugu waaweynaa Xusni Mubarik Madaxweynihii hore ee Masar oo isagu la sheegay in laga xanibay lacag gaareysa 650 Milyan oo dollar, sidoo kale hogaamiyihii hore ee Tunis Ben Ali ayaa isagana dalka Switzerland looga xanibay hanti lagu qiyaasay 61 Milyan, sidoo kale Madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Janoekovitsj ayaa isagana laga xanibay lacag dhan 70 milyan oo dollar.

Sharcigii hore oo ay dowlada Switzerland ku xanibtay hantidan ayaa ku eg sanadka soo socda, arrintan ayaa keentay in dowlada Switzerland ay diyaariso sharcigan cusub oo la doonayo inuu dhaqan galo 1da Luulayo. Sharcigan ayaa u fududeenaya dowlada Switzerland inay hantida ku celiso wadamadii laga lahaa.

Switzerland ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u illaalsan lahayd sumcadeeda kadib markii dalkaasi lagu eedeeyey inuu noqday xarunta ay hantida lasoo dhacay ku qarsadaan hogaamiyayaasha caalamka.

Bangiyada-Swisska

 

Comments are closed