UN-ka oo cunaqabateynta ka qaaday wadanka Liberia

libLiberia (NN) 26/05/2016

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulankoodii xalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyey qaadista cunaqabateynta saarneyd wadanka Liberia tan iyo intuu socday dagaaladii sokeeye ee wadankaasi.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaadista cunaqabateynta isagoo sheegay in dalka Liberia uu muujiyey dowlad wanaag ka saartay burburkii kasoo gaaray dagaaladii sokeeye. Waxaana arrintaasi si weyn loogu amaanay Haweenayda Madaxweynaha ka noqotay dalkaasi ee Mrs.Ellen Johnson Sirleaf.

Wadanka Liberia oo ku yaal galbeedka Afrika ayaa waxaa intii u dhaxeysay 1989 illaa 2003 ka socday dagaalo xoogleh oo ay ku dhinteen in ka badan 250.000 qof. Waxaana xiligaasi la saaray cunaqabateyn dhinaca hubka ah iyo waliba in hantida dalkaasi aan dibada loo qaadi karin sida Dheemanka wadankaasi laga soo saaro.

Sanadkii lasoo dhaafay ayey qaar kamid ah wadamada Caalamka sida Maraykanka ay qaadeen cunaqabateyntii dhanka ganacsiga oo ay saareen dalka Liberia.

Wadankaasi ayaa kamid ahaa dalalkii uu dhawaan sida weyn u saameeyey cudurka Ebola, balse lagu guuleystay in cudurkaasi laga suuliyo wadankaasi. Liberia oo qani ku ah khayraadka dabiiciga ah ayaa olole dheer u gashay in laga qaado xayiraada saaran si dib u dhis baaxadleh loogu sameeyo dhaqaalaha iyo adeega bulshada.

Madaxweynaha-Liberia2

 

Comments are closed