Wasiirka Ganacsiga DDSI Mudane Khadar oo Maanta Ka Qeybgalay Kulan Dood-cilimyeed lagu Soo Dhaweyn 20ka Ginbood

khadarJigjiga (ESTV) 26/05/2016

Waxaa wali ka socda deegaan kulamada iyo dood-cilmiyeedka lagu soo dhawaynayo munaasabada xuska 25 jirsatay ee  20ka ginbood taasi oo maal-maha food inagu  soo haya looga  dabaal-dagidoono guud ahaanba dalkeena itoobiya.

Haddaba,  xaflad si aad u qurux badan loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayo guusha 20ka ginbood ayaa ka dhacday  madasha shirarka ee Sayid MCX. Waxaana kulankaasi doodcilmiyeeda ah ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiisyada  gaadiidka iyo ganacsiga DDSI, wakaalada dakhliga DDSI iyo dhamaan ganacsatada ku dhaqan xarunta deegaanka ee jigjiga.

Waxaana kulankaasi hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaacil oo ugu horayntii soo bandhigay soonyaalkii taariikheed ee guusha 20ka ginbood sidoo kalena sharax dheerka bixiyay dhibaatooyinkii iyo cadaadiskii ay qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ku hayn jireen maamuladii boqortooyadii iyo tii kalidii taliskii dhergiga. Wuxuuna sheegay wasiirku in dimuqoraadiyada, horumarka iyo nabadgalyada ka taamyeeshay guud ahaanba dalka gaar ahaana DDSI ay tahay midhihii laga helay guusha 20ka ginbood.

Maareey ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Yaasiin Cumar ayaa madashaasi ka soo jeediyay warbixin dheer oo ku salaysan guulaha  laga dhaxlay 20ka ginbood, dhibaatooyinkii haysan jiray shacabka itoobiya ka hor guusha 20ka ginbood iyo jihooyinka lagu sii joogtaynayo guusha 20ka ginbood.

Dhankooda ganacsatadii iyo dhaqaalihii ka soo qaybgalay kulankaa dood-cilmiyeeda ah ayaa waxa ay si qoto dheer uga warameen horumarka balaadhan ee ay horseeday guusha 20ka ginbood  iyo guulaha laga gaadhay  dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo maamul wanaaga iyo sidoo kale guulaha laga gaadhay  dhinacyada horumarinta  ganacsiga xorta.

Comments are closed