Dad Ku Eedeysnaa inay Maleegeen Qaraxyadii Uganda Ka Dhacay 2010 oo La Maxkamadeeyay

ugandaUganda (NN) 27/05/2016

Eedeysaneyaasha oo ka koobnaa 13 ayaa qaaliga maxkamadu uu sheegay in 5 ka mid ah lagu helay dembigaa ah inay qaraxyo ka geysteen maqaaxiyo lagu daawanaayay tartanka koobka kubbadda cagta ee dunida sanadkii 2010.

Waxaa kaloo xaakimka maxkamadaasi uu sheegay in saddex ka mid ahaa lagu waayay dembiyadaa lagu soo eedeeyay halka weli shan qof oo kale go’aan aan laga gaarin bal in dembiyada lagu soo eedeeyay waa galeen ama ma aysan galin la dhihi karo iyo in kale!

Qaraxyadaa oo lala eegtay maqaaxiyo lagu daawanaayay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobkii caalamka ee kubadda cagta ee FIFA ee sanadkii 2010 gudaha magaalada Kampala ayaa waxaa lagu eedeeyay in kooxda Alshabaab ay ka dambeysay.

Kooxda Alshabaab ayaa ka dagaalanta gudaha Soomaaliya hase ahaatee waxaa la yaab leh in hal qofna dadkaasi lagu soo oogay dambiyadaas uusan ahayn Soomaali balse ay u kala dhasheen dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania!

Weeraradaasi qaraxyada la adeegsaday ayaa waxaa ku naf waayay dad tiradoodu sare ay u dhaaftay 70 qof.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa eedeysaneyaashaasi sheegeen in jirdil ay kusameeyeen ciidamada Britain ee sirdoonka si dambiyadaas lagu soo oogay ay u qirtaan.

Dad badan oo kale oo loo heysto inay kulug leeyihiin falal amni darro oo qaarkood Kenyan yihiin ayaa Uganda ku xiran kuwaasoo qaarkood aan aaminsanayn inay ayagu wax dhib ah geysteen sida Xabiib Suleyman Njoroge oo ahaa wariye ka tirsanaa idaacada Radio Salaam ee magalaada Mombasa.

 

– See more at: http://hiiraan.com/news/2016/May/wararka_maanta27-96157.htm#sthash.5YnupfdJ.dpuf

Comments are closed