France: Banaanbaxyada oo sii socda & dad badan oo xabsiga la dhigay

franceFrance (NN) 27/05/2016

Khamiistii shalay ayey magaalooyinka waaweyn ee dalka France markale ka dhaceen banaanbaxyo aad u balaaran, iyadoo la sheegay in ciidamada amniga ay xabsiga dhigeen dad gaaraya 77 qof. 

Mudaharaadka ayey soo qaban qaabiyeen Ururada Iskaashatooyinka waaweyn ee dalkaasi oo kasoo horjeeda sharciga cusub ee Shaqada iyo Shaqaalaha.

Sharcigan oo la dhaqan geliyey horaantii bishan ayaa ah mid awood dheeraad ah siinaya ganacsatada ama shaqo bixiyayaasha, halka hoos loo dhigay xaquuqda shaqaalaha, sida ay sheegeen ururada Shaqaalaha oo sharciga qaadacay.

Gadoodka ayaa waxaa kusoo biiray shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha muhiimka ee Tamarta dalkaasi France oo ay ku jiraan xarumaha Nukliyeerka iyo kuwa kale ee Batroolka. Waxaa horey iyagu mudaharaadka u waday Ururada Iskaashatooyinka gaadiidka.

Dowlada France ayaa weli diidan inay wax ka bedasho sharcigan keenay in hawlo badan hakad galaan, waxaana laga cabsi qabaa in hadii ay sii socdaan banaanbaxyadan ay bilaabato koronto la’aan iyo dhibaatooyin kale oo ka dhalan kara shaqo joojinta baahsan.

France-Banaanbax-Shaqaale

 

Comments are closed