Daawo Ugandha: Xukunkii Eedeysanayaal Al Shabaab ee qaraxyadii Kampala 2010

gandaUganda (NN) 28/05/2016

Maxkamada magaalada Kampala ee dalka Ugandha ayaa Jimcihii shalay xukun xabsi daa’in ah ku riday kooxdii lagu eedeeyey inay kamid ahaayeen Al Shabaab kana qeyb qaateen weerarkii bambaano ee ka dhacay caasimada Ugandha sanadkii 2010.

Bidix: Muszafar Luyima, (Dhexda) Issa Luyima, iyo Magundu Idris, (Midig) ayaa kamid ahaa eedaysanayaasha la xukumay.

Eedaysanayaasha oo gaarayey 13 oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al shabaab ayaa maxkamadooda ay socotay mudo 6 sano ah, waxaana Khamiistii maxkamada sheegtay in 8 kamid ah lagu helay danbiyada.

Sideeda qof ay maxkamada Danbiyada ku heshay ayaa 7 kamid ah Jimcihii shalay lagu riday xukuno kala duwan. Shan kamid ah eedaysanayaasha ayaa lagu xukumay Xabsi daa’in. Halka labo kalena lagu xukumay 50 sano oo xabsi ah. Maxkamada waxay siideysay 5 qof oo kamid ahaa eedaysanayaasha.

Weerarkii 2010 ayaa dhacay xiligii ay socotay ciyaartii Finalka ee Koobka Adduunka, waxaana lala beegsaday Makhaayad ku taal caasimada Kampala, halkaasi oo ay ku dhinteen dad gaaraya 76 qof.

Bidix: Muszafar Luyima, (Dhexda) Issa Luyima, iyo Magundu Idris, (Midig) ayaa kamid ahaa eedaysanayaasha la xukumay.

Comments are closed