Degmada Awbare oo Siweyn looga Xusay Xuska Sanadguuradii 25-aad Ee 20ka Ginbood

AwbareAwbare (ESTV) 28/05/2016

Waxaa si meeqaam sare ah looga xusay degmada awbare ee gobolka faafan xuska munaasabada 25 aad ee 20ka ginbood taasi oo ay saaka aroortii hore dadwaynaha ku dhaqan magaalada awbare u soo kicitimeen barxada wayne ee lagu xusayay munaasabadan.

Munaasabadan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka degmada awbare, masuuliyiin ka socoday gobolka faafan, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada awbare kuwaasi oo lulayay calamaanta deegaanka kuwa dalka iyo boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhigyo lagu muujinaya ahmiyada ay leedahay 20ka ginbood.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadaasigudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax  oo ugu horayntii ugu hanbalyeeyay bulshada ka soo qaybgashay  munaasabadaasi guusha sanad guurada 25aad ee 20ka ginbood. Wuxuuna sheegay in ay tahay maalintii xaqiijisay midnimada, sinaansha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya, dimuqoraadiyada, horumarka, nabad kuwada noolaanshaha iyo isqadarinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya.

Masuuliyiintii kale  iyo odayaashii ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in ay tahay maalin qiime iyo qadarin wayn u leh dalkeena itoobiya. Waxayna tilmaameen in ay tahay maalintii keentay guulaha waawayn ee dhinac kasta leh kuwaasi oo hoosta ka xariiqay in ay siwayn ugu faraxsan yihiin qalbiyadoodana ku wayntahay 20ka ginbood oo sanadkan 25 jirsatay.

intii ay munaasabadani socotay  ayaa waxa ay  kooxaha fanka iyo suugaanta degmada awbare  ku soo bandhigay ciyaaraha dhaqanka oo ka turjimaya ahmiyada ay munaasabadani leedahay.

Comments are closed