Degmada Baarey oo Siweyn looga Xusay Xuska Sanadguuradii 25-aad Ee 20ka Ginbood

Ginbood baareyBAAREY (ESTV) 28/05/2016

 

Waxaa si meeqaam sare ah looga xusay xuska munaasabada sanad guurada 25 jirsatay ee 20ka ginbood  Degmada baaray ee gobolka afdheer taasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta degmada baaray, saraakiishii ciidanka qaranka, ciidanka booliska gaarka ah, ardayda waxka barata magaalada baaray, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada baaray.

Munaasabadan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana qaybaha kala duwan ee bulshadu si farxad leh ugu xusayeen barxad balaadhan ee ay ka dhacaysay munaasabadani ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha degmada baaray mudane Axmed Cabdi Iimaan oo ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee xuska 20ka ginbood oo sanadkan 25 jirsatay waxaa kale oo uu gudoomiyuhu ka warbixiyay in guulaha waawayn ee dhinacyada nabadgalyada horumarka ee ay horseeday guusha 20ka ginbood.

saraakiishii ciidanka qaranka ciidanka booliska gaarka ah ee degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada   intuba  hadalo ku saabsan ahmiyada ay leedahay  20ka ginboot ay ka soo jeediyeen fagaarihii  waxaa kale oo xusid mudan  kooxaha fanka ee degmadu ay dhaantooyin iyo ciyaaro kala duwan ku saabsan  munaasabadan  ku  soo bandhigeen.

Ugu danbayntii waxay cid kasta oo degmada baray ku nool cadaynaysaa in xuskani uu yahay kii ugu waynaa ee abid noociisa oo kale kadhaca  degmada xuskan  oo ay bulshadu ku  muujiyeen sida ay ugu wayntahay una qadarinayaan maalintan taariikhiga ah ee guusha 20ka ginbood ee sanadkan 25 jirsatay.

Comments are closed