Degmada Mubaarig Siweyn looga Xusay Xuska Sanadguuradii 25-aad Ee 20ka Ginbood

Ginbood Mubaarig Muwaarig (ESTV) 28/05/3016

Waxaa maanta siwayn looga xusay  guud ahaan deegaanka iyo dalka xuska  munaasabada sanad guurada 25 jirsatay ee 20ka ginbood taasi oo maal-mihii ugu danbaysay siwayn loogu diyaar garoobayay xusitaankeeda.

Haddaba, degmada muwaarig ee gobolka Daawo ayaa maanta siwayn looga dabaal dagay xuska  munaasabda 25aad ee 20ka ginbood  waxaana ka soo qaybgalay munaasabadaasi masuuliyiinta maamulka degmada muwaari, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada muwaarig.

Waxaana munaasabadaasi xuska guusha 20ka ginbood ka hadlay gudoomiyada degmada muwaarig mudane Cabdiraxmaan Maxamed Daahir (Cabdiraxman geerigo’an)oo ugu horayntii ka warbixiyay cadaadiskii iyo cabudhiskii lagu hayn jiray qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya  wixii ka horeeyay 20kii ginbood sanadkii 1983TI. Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay maamuladii boqortooyadii iyo tii kalidii talikii dhergigu ay ku guul darnaysteen aqoonsiga sinaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya. Waxa kale oo uu gudoomiyuhu si qoto dheer uga warbixiyay guulaha horumarineed nabadgalyo dimuqoraadiyadeed ee ay u horseeday dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya guusha 20ka ginbood ee sanadguuradii 25aad maanta siwayn looga dabaal dagayo dalkeena itoobiya gaar ahaana DDSI. Waxaa kale oo uu tilmaamay  masuulku in ay tahay maali qiime iyo qadarin u leh dhamaanba shacabwaynaha itoobiya.

Masuuliyiintii kale iyo odayaashii ka hadlay munaasabadaasi ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadani waxayna sheegeen in  tahay maali kuwayn shacabwaynaha itoobiya maadaamo oo ay tahay maalintii xaqiiijisay jiritaanka, sinaanshaha, dimuqoraadiyada  iyo xuquuqaha horumarineed ee  qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena  itoobiya.

isku soo wada duuboo munaasabada 25-guurada 20ka ginboot ayaa guud ahaan dalka iyo dibadaba si balaadhan looga dabaal dagayaa.

Comments are closed