Iraq: Shacabka Mosul oo bilaabay inay magaaladaasi isaga qaxaan

ciraaqCiraaq (NN) 28/05/2016

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in kumanaan qoysaska ku dhaqan magaalada Mosul ee dalka Ciraaq ay u qaxeen wadanka ay jaarka yihiin ee Siiriya, xili laga cabsi qabo inuu dagaal ka bilowdo magaaladaasi.

Mosul oo ah magaalada Labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq ayaa xiligan ah xarunta ugu weyn ee kooxda Daacish dalkaasi ku leedahay waxaana la filayaa in dhawaan ay magaaladaasi weerar dhowr jiho ah ku qaadaan ciidamada dowlada Ciraaq iyo ciidamada ismaamulka Kurdida Ciraaq.

Dagaalka xoogiisa ayaa hada ka socda nawaaxiga magaalada Fallujah waxayna shacabka ka cabsi qabaan in magaalada ku xigta ee dagaalka ka dhici doono ay tahay Mosul, arrintan oo keentay in qoysas badan isaga baxaan magaalada xili ay soo dhaw dahay bisha barakeysan ee Ramadanka.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in ka badan 5000 qoys ay u carareen deegaanada waqooyiga dalka Siiriya, si ay uga fogaadaan magaalada Mosul.

qaxootiga-Mosul

 

Comments are closed