Madaxweynaha DDSI oo Daahfuray Kulanwaynaha 7aad Ee Wada-tashiga Xukuumadda & Shacabka

Madaxweynaha ddsiJIGJIGA ( ESTV) 28/05/2016

Kadib munaasabadii sida heerka sare ah loo xusay saaka ee sanadguuradii 25, aad ee 20ka ginboot ayuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar furay kulan-waynihii 7, aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka DDSI oo sida caadiga ah sanad walba xukuumadu qabato kahor bisha barakaysan ee ramadaan.

 

kulanwaynahan ayaa waxaa kasoo qaybgalay odayaal, culimo-awdiin, dhalinyaro iyo hooyooyin ay tiradoodu kor udhaafayso 2kun oo shaqsi. Kuwaas oo kakala yimid dhamaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanku kakooban yahay.

Hadaba furitaankii kulan-waynahan ayuu madaxwaynuhu kahadlay ujeedada kulankan oo ah sidii caadiga ahayd wadatashi xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanka ah iyadoo laga wadatashan doono qorshayaasha horumarka, Nabadgelyada iyo maamulka suuban ee sanadaha soo socda lana soo bandhigi doono waxqabadyada sanadihii lasoo dhaafay, iyo waliba in wadatashigan xooga lagu saari doono aragtida cidhiidhyan ee mashaqaystenimada, ladagaalanka argagixisada iyadoo dibna loo eegi doono sooyaalkii taariikheed ee deegaanku soo maray, isbadaladii yimid, halka aan taaganahay maanta iyo higsiga waxqabadka sanadaha soo socda.

Ugudanbayna wuxuu madaxwayanuhu xusay in fikirada, talabixinta iyo dooda kaqaybgalayaasha ladhagaysan doono oo ay muhiim yihiin gashina unoqon doonaan qorshayaasha xukuumada kadib soo jeedinta qorshayaasha iyo waxqabadyada kaladuwan.

Comments are closed