Xuska Sanadguuradii 25, aad Ee 20ka Ginbood Jigjiga Siweyn Looga Xusay

Ginbood jigjiga JIGJIGA ( ESTV) 28/05/2016

Waxaa saaka si heer sare ah xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga looga xusay sanadguuradii 25, aad ee 20ka ginbood oo kadhacday hoolka shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada.

Hadaba munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu sarysa DDSI oo uu ugu horeeyomadaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, Golaha wasiirada, mauuliyiinta ciidamada difaaca qaranka, masuuliyiinta ciidamada gaarka ah ee DDSI oo uu ugu horeeyo generalka ciidamada gaar ka ah mudane cabdiraxmaan cabdulaahi buraale, odayaasha deegaanka oo kakalayimid degmooyinka iyo gobolada, hooyooyinka, shaqaalaha qaybahooda kaladuwan, kooxaha fanka iyo madadaalada DDSI iyo waliba marti sharafkale.

Waxaana ugu horayn munaasabadan ka hadlaymadaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay inay maalintani tahay maalin taariikhi ah islamarkaana sintay dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalku kakoobanayahay. Wuxuuna intaa ku daray inay gaar ahaan 20ka ginboot tahay maalinkii deegaankeenu dhashay ee afka ciida loo daray kaligii taliskii dhergiga ee cadaadiska iyo gumaysiga gaarka ah ku hayay shacabwaynaha deegaankeena. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii ku gabagabeeyay in 20ka ginboot ay tahay maalin mudan in la xuso oo la xasuusto maadaama oo ay tahay maalinkii lahelay sinaanta, cadaalada, dimuqraadiyada iyo dastuur simay dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalku ka koobanyahay.

Sidoo kale, waxaa isna munaasaabadan kahadlay generaalka ciidamada difaaca qaranka qaybta 13aad  mudane general khadiir oo xusay muhiimada ay maalintani u leedahay shucuubaha reer itoobiya islamarkaana kacodsaday shirwaynaha in hal mar loo istaago naftood hurayaashii kugeeriyooday halgankii gumaysigii dhargiga iyo kii UBBOba.

Ugudanbayna, munaasabadan oo ay kooxaha fanka iyo madadaalada deegaanku si heer sare ah u gilgileen islamarkaana soo bandhigeen heeso, madadaalo aad u farxad galiyay ka qaybgalayaasha ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

Comments are closed