Xuska Sanadguuradii 25, Aad Ee 20ka Ginbood Qabridahare Siweyn Looga Xusay

Ginbood Qabridahare Qabridahare  (ESTV) 28/05/2016

maanta si wayn looga xusay  maamulka magaalada qabridahar ahna caasimada qobolka qoraxay munaasabada xuska sanad guurada 25 jirsatay ee  guusha 20ka ginbood oo ah maalin qiima wayn u leh dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya gaar ahaan DDSI.

Munaasabadan waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka gobolka qoraxay, masuuliyiin heer deegaan ah, maamulka MM Qabridahar, saraakiisha ciidamada qaranka, saraakiisha ciidanka booliska gaarka ah  iyo   dadwayne aad u tiro badan oo ka koobnaa dhamaanba qaybaha bulshada.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadangudoomiyaha gobolka qoraxay mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo  ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan loogu dabaal dagayo xuska maalinta qiimaha badan ee xuska sanad guurada 25 jirsatay ee  20ka ginbood. wuxuuna tilmaamay  midhihii ka dhashay halgankii qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ee ay hurmuudka u ahaayeen  Ururka EPRDF in ay tahay maalinta 20 ginboot taas oo astaan maguuraan  u ah  shacabweynaha dalka itoobiya islamarkaana laga  dulqaaday taliskii dhiigya cabka ahaa ee Mingiste h/mariam oo cadaadis iyo xasuuq ba’an oon loo aaba yeelin ku hayay qowmiyadaha iyo shucuubaha itoobiya.

Masuuliyiintii kale ee   munaasabadaasi  ka hadashay waxaa ka mid ahaa mareeyaha m.m.qabridahar ahna ku simaha maayirka mm qabridahar  mudane Maxamed Abiib iyo  madaxa arimaha haweenka iyo caruurtaa m.m.qabridahar  marwo Sucaad Khadar kuwaasi oo   tilmaamay soonyaalkii khaariikhed ee munaasabada 20ka ginbood guulaha ay u horeeday shacabwaynaha reer itoobiya gaar ahaan bulshada DDSI

Dhankood qaarka mid ah odayaasha ku dhaqan MM qarbidahar oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin xusitaanka iyo dabaal daga munaasabadan qaaliga ah ee sanad guurada 25aad ee  20ka ginbood waxayna sheegeen in ay tahay maalintii horeeday horumarka nabadgalyada iyo dimuqoraadiyada maanta sida balaadhan uga taamyeeshay dalka gaar ahaana DDSI.

Comments are closed