DAAWO SAWIRRO: Xaflad Deeq Agab Lagu Wareejin Dugsiga Hoyga Agoonta Fiiq (Warbixin)

Ddsi fiiqFiiq (ESTV) 29/05/2016

Waxaa maanta Magaalada Fiiq xarunta Gobolka Erer gaaray wafdi uu Hogaaminayo Wasiir Kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Ahna Kusimaha Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Khaliif Buraale (dhoombe) Waxaa ku Wehlinaya Mareeye Kuxigeenka Xafiiska Hormarinta Somalida itoobiya Ahna Kusimaha Xafiiska Hormarinta Somalida Itoobiya Mudane C/khadar Ilyaas iyo Qurbajoog.

 

Fiiq Wafdigan ayaa Waxaa magaalada Fiiq ku soo dhaweeyay Masuuliyiita ugu sareysa Gobolka Iyo Degmada wafdiga waxeyna Ka Qeybgaleen Xaflad Lagu wareejin Kunteenar Agab kala duwan Sida Sariiro, Furaashyo, Dhar, Bugaag, Qalimaan, Cumputaro, Agabka-caruurtu ku ciyaarto, iyo agab kale oo kala duwan oo Jaaliyadda DDSI ee wadanka Australia ugu Deeqeen Caruunta Dugsiga Hoyga Agoonta ee magaalada Fiiq.

FfqWaxaa Xaflada ugu Horeyn ka Hadlay Gudoomiyaha Gobolka Erer Mudane Axmed Xaaji Adan oo uga Mahad Celiyay dhamaan Masuuliyiinta Qurbajoogta iyo Jaaliyadda DDSI Ee Australia oo Deeqdan Soo gaarsiisay Sheegay in ay tahay Arrin aad u Farxad galineyso Caruurta Agoonta Ah ee Wax Barta Dugsiga Hoyga Agoonta Ee magaalada Fiiq.

20160529_183319Waxaa kaloo halkaasi ka Hadlay  Maareeyaha Dugsiga Hoyga Agoonta Magaalada Fiiq Marwo Ubax Mursal oo uga Mahadcelisay jaaliyadda DDSI Ee Australia ay Yihiin jaaliyad Kaalinteedi kaga Aadan Taageerada dugsiga Hoyga Agoonta ee Magaalada Fiiq ay ka soo baxeen Kaalintoodii.

20160529_182937Waxaa kaloo Halkaasi kahadlay Gudoomiyaha degmada Fiiq Mudane C/Qaadir Xasan Maxamed oo Sheegay in Qurbajoogta DDSI waqtigan Xaadirka Ah ay ku howlan yihiin Sidii Hormarka Deegaanka ay Kaga Qeybqadan Lahaayeen Deegaan Kooda Waxaana Daliil u ah Jaaliyadda DDSi Ee Australia oo Maanta Kunteenar Deeq ah oo maanta lagu Wareejiyay Dugsiga Hoyga Agoonta ee Magaalada Fiiq

20160529_183341Ugu danbayntii Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Wasiir Kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Khaliif Buraale  ( Dhoombe) oo Sheegay in Markii Hore Qurbajoogta Ay Aaminsanaayeen Fikirado Khaldan Markey Xukuumadda DDSI uu Hogaaminayo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar u Sheegay Xaqiiqada Ka Jirta Deegaanka ay Garowsadeen waa Taa Maanta Qurbajoogta DDSI u Taagan sidii Shacabka Deegaanka ay Deeq iyo Taageero ay u Garab Taagan Yihiin.

Comments are closed