MOWLIID HAAYIR: Imtixaanka Heer Qaran ee Fasalka 12aad Oo Dib Loo Dhigay.

HAYIRJigjiga (ESTV) 30/05/2016

Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo si toos ah ugu waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in guud ahaanba imtixaankii heer qaran ee fasalka  12aad dib loo dhigay.

Wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in go’aan ka soo baxay wasaarada waxbarashada JDFI uu ahaa in imtixaanka fasalada 12aad  oo maanta ka bilaabmayay guud ahaanba dalka dib loo dhigo  ujeedada dib loogu dhigayna  tahay sidii loo adkayn lahaa tayada waxbarashada  taasi oo   xoojinaysa  tayada cudud waxbaratay oo kaqayb qaadata isbadalka kobaca dhaqaalaha dalka. waxaa kale oo uu sheegay  madaxwayne in muddo kooban gudaheed la bilaabidoono imtixaankan.

Comments are closed