Falluuja, waa magaalada keliya ee u dhaw caasimadda Ciraaq ee Baqdaad oo ay ku hayso gacanta kooxda Daacish, waxaana la rumeysan yahay inay tahay meesha ay kooxdu kasoo Abaabusho Weerarada iyo Qaraxyada is-miidaaminta ah ee lala eegto Dadka Shiicada ah iyo Xarumaha Dowladda ee ku yaalla Magaalada Bqadaad.
Bayaan ciidamada Ciraaq ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Guutooyin cidamadooda ka tirsan ay shalay kusii siqeen dhinaca koonfureed ee Falluuja, iyagoo dhinaca cirkana ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka Maraykanka.
Sidoo kale, Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay ku qiyaasayso xoogagga ISIS ka tirsan ee ku sugan magaaladaas inta u dhexeysa 500 illaa 700 oo ruux, lagana adkaan karo haddii awoodda la saaro.
Dhinaca kale, Shacabkii Magaaladaas ayaa ka baxay, waxaana la sheegayaa inay ka jirto magaaladaas macluul iyo baahi aad u badan. Ku dhawaan 50,000 oo ruux ayaa ku xanniban gudaha magaalada Falluuja, kuwaasoo aan haysan biyo, koronto iyo shidaal sida ay sheegtay Hay’adda NRC ee laga leeyahay Dalka Norway.
Ugu dambeyn, Hay’addaha Samafalka ayaa ka walaacsan dadka dhibaatadu soo gaarayso, waxayna Qaramada Midoobay ku boorisay ku dagaallamaya inay wado u furaan dadka magaalada ee doonayay inay ka baxaan.
Comments are closed