Madaxweynah Turkiga, Recap Tayyip Erdogan – ayaa lagu wadaa in Soomaaliya uu soo gaaro 03-da bisha June oo ku beegan maalinka jimcaha ah ee soo socota, iyadoo imaanshadiisa Somalia ka hor uu soo mari doonaa Waddamada Kenya iyo Uganda, wuxuuna madaxda dalalkaas kala hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhaxeeya Turkiga. Booqashadaas, kaddib ayuu soo gaari doonaa Somalia, waxayna noqoneysaa markii Saddexaad ee uu yimaado hore ayuu u yimid isaga oo ah madaxweyne iyo mar uu ahaa Ra’isul wasaare sanadihii u dhaxeeyay 2011 illaa 2015. Sida uu qorshuhu yahay waxa uu booqan doonaa safaaradda Turkiga ee muqdisho laga dhisay, isbitaalo ay Turkiga gacanta ku hayaan sida isbitaalka X Digeer wadooyin ay Turkiga dhiseen iyo goobo kale waxa ay kulamo wada qaadan doonaan madaxda dalka ugu sareysa sida madaxweynaha Somalia. Wararka aynu ka helayno hay’adaha Dowladda Somalia ayaa sheegaya inay maanta soo gaari doonaan Muqdisho Xubno ka socda Laamaha Ammaanka ee Turkiga oo sii xaqiijin doono ammaanka meelaha uu tagi doono Erdogan. Xukuumadda Turkiga ayaa ka mid ah dowladdaha sida u eegis la’aanta ah ula shaqeeyo dowladda soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa gurmadkii bini’aadanimo ay u sameysay shacabka soomaaliyeed ay saameynta ku yeesheen abaarihii Sannadkii 2011 ku dhuftay qeyb ahaan goboladda dalka soomaaliya. Imaashaha la qorsheynayo ee madaxweynaha Turkiga ayaa ku soo aadeyso xili Dekeda muqdisho uu ku xiran yahay marka ay saran yihiin deeq raashiin ah taasi oo loogu yaboohay soomaaliya kana yimid dalka Turkiga . Ugu dambeyn, Gacanta ay Dowladda Turkigu siinayso Somalia ayaa noqon doona kuwo sii jira, tan iyo inta ay Soomaaliya mar kale cagaheeda isaga taagayso.

somalilandTurkiga (NN) 31/05/2016

Maanta oo ah 31.05.2016, waxaa la filayaa in wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ay dib Turkiga uga furmaan.

Dawladda Turkiga iyo dowladaha Carabta sida Isu-tagga Imaaraadka Carabta hormood u tahay ayaa wadahadallada qeyb ka ah, Kuwayt iyo Masar ayaana si dhow ula socda.

Turkiga iyo Carabtu waxa ay sidaan hindiseyaal, sida la tibaaxayo, hoosta ka xarriiqaya:

In Soomaaliya waxba u suurta geli waayeen, oo xittaa siyaasaddii maamul-gobolleedyada ee federaalku socon wayday oo madhaleys tahay; quusna laga sido.

In Somaliland ku hungowday aqoonsi ay caalamka ka kasbato; waxbana aanay kasoo naaso-caddayn.

Sidaas awgeed, waxaannu idiin haynaa qorshe aannu idinku dhexdhexaadinayno oo ah in labadiinna qolaba kasoo guurtaan halka aad hadda taagan tihiin oo la idiin sameeyo

Dawlad dhexe oo aad waxna wada yeelataan; waxna idiin kala gaar noqonayaan; idinka oo ah laba saamiley oo 60,40 wax u kala qaybsanaya.

Waddankana dib u dhis la idinku sameeyo dhinac kasta oo dhaqaale badan la gelinayo.

Haddaba, sideed u aragtaa Muqdisho iyo Hargeysa, ama Soomaaliya (koonfur) iyo Somaliland oo dowlad dhexe oo federaal ah wada yagleela; una saami-qaybsada 60,40 oo ah sida Turkiga iyo Carabtu u xogol-xaadhayaan?

 

Comments are closed