Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran oo galay Maalintii Saddexaad iyo Qodobbo weli la isku hayo

axmedMuqdisho (NN) 31/05/2016

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Waxaa ka socda Maalintii Saddexaad Shirka Madasha Wada-tashiga QARAN ee loooga hadlayo Arrimaha doorashooyinka, iyadoo ay jiraan qodobbo weli la isku mari la’yahay.

Kulankan oo u dhexeeya madaxda Dowladda Somalia iyo kuwa Maamullada ka jira dalka, ayaa maalmihii hore looga hadlay Amaanka iyo sidii Doorashooyinka ay uga dhici lahaayeen Muqdisho iyo Maamullada dalka.

Sidoo kale, waxaa jira in wali muran uu ka taagan yahay in gobolka Banaadir uu ku yeesho Aqalka sare ee baarlamaanka xubno metela, iyadoo la sheegayo in madaxda Soomaalida ay ku kala aragti duwan yihiin arrintaan.

Wararka, ayaa intaas ku daraya in qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay soo jeediyeen in Muqdisho ay xubno ku yeelato Aqalka Sare, isla markaana wax laga dhimo Maamullada qaatay Xubnaha Aqalka Sare ee dheeraadka ah. Madaxda Qaarkood ayaa la sheegayaa inay iyaguna aragtiyo kale qabaan.

Ugu dambeyntii, Maanta ayaa la rajeynayaa in shirka uu soo xirmo lagana soo saaro War-murtiyeed lagu shaaciyo Qodobadii Madasha Wada-tashiga Qaran looga wada-hadlay iyo heshiiska laga gaaray.

 

Comments are closed