Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u galay Kenya iyagoo gubay Tuulo ku dhaw Xuduudda

Somali Militia of Al-Shabab seen during exercises at their military training camp outside Mogadishu Tuesday Nov. 4, 2008. The armed wing of the former ruling Islamic Courts in Somalia, Al-Shabab is a powerful resurgent group and has been fighting foreign troops in the country since early 2007.  Al-Shabab is named as a terrorist organization by United States of America. (AP Photo(AP Photo)

Kenya (NN) 31/05/2016

Wararka laga helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen Kenya, kuwaasoo saxaafadda Kenya ay sheegtay inay ka tallaabeen xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.

Xoogaggan ka tirsan Al-shabaab, ayaa la sheegayaa inay gubeen tuulada Surgoow oo ku dhaw soohdinta ay wadaagaan Somalia iyo Kenya, waxaana tirade xoogagan lagu sheegay illaa 50-dagaal-yahan oo ku hubeysan qoryo kala duwan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Wajeer, Maxamed Sheekh ayaa Wakaaladda AP u xaqiijiyay in xoogaggan ka tirsan Al-shabaab ay gudaha Kenya galeen; ayna ka geysteen dhibaatooyin kala duwan.

Ciidamada Booliiska Kenya ayaa ka digay Weeraro ay ka Geystaan Gudaha Kenya, iyadoo la sheegay inay koox-koox isku qaybiyeen xoogaggan ka tirsan Al-shabaab, si ay u fuliyaan weeraro qorsheysan.

Dhanka kale, Sirdoonka Kenya ayaa Laamaha amniga ku wargeliyay inay ka feejig-naadaan weerarro ay geystaan kooxahan hubeysan, waxaana laga digay weeraro dhaca inta lagu jiro bisha Ramadaan ee soo socota

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin ciidammo ka tirsan xoogaggooda ee la sheegay inay gudaha u galeen Kenya, iyadoo la xusuusto in kooxdani ay horay uga geystay Kenya Weerarro khasaare badan dhaliyay.

 

Comments are closed