10-Qof dhimasho Qarax Weyn oo ka dhacay Muqdisho Weerar Al-shabaab ay ku qaaday Hoteelka Ambassador

qaraxMuqdisho (NN) 01/06/2016

Ugu yaraan 10-ruux, ayaa ku Geeriyooday Weeraro isugu jiray Ismiidaamin iyo mid toos ahaa oo lala beegsaday gellinkii dambe lala beegsaday Hotel Ambassador ee Muqdisho, iyadoo Mas’uuliyada Weerarradan ay sheegatay Al-shabaab.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay weli gudaha ugu jiraan qaybo ka tirsan Hoteelka, iyadoo sidoo kalena ay hoteelka gudihiisa ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia.

Col. Cali  Maxamed oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Booliiska Somalia, ayaa u sheegay Reuters in hoteelka lagu weeraray Qarax, markaas kaddibna ay kooxaha hubysan gudaha u galeen, welina ku jiraan.

“Waxaa weli Gudaha Hoteelka ku jira xoogag ka tirsan Al-shabaab, iyadoo weerarka ay ku geeriyooday 10-qof tiro kalena way ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Col. Cali, isagoo intaas ku daray inay tirada dhimashadu intaas ka badan karto.

Sidoo kale, Ciidamada Dowladda Somalia ayaa la sheegayaa inay badbaadiyeen tiro ka mid ah mas’uuliyiin Hoteelka degenaa, Waxaana ku jiray Dadki la badbaadiyay Maxamed Xaaji Daa’uud oo ah wiil uu dhalay Milkiilaha Hoteel Ambassador iska leh.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ayaa la sheegay inay Toogasho ku dileen laba ka mid ahaa kooxihii Gudaha u galay Hoteelka, ayna kooxaha hubeysan ku sugan yihiin qaybaha sare ee Hoteelka, ciidamaduna ay ku sugan yihiin qaybaha sare.

Dhanka kale, Afhayeenka Hawlgallada Al-shababa ayaa isna sheegay inay iyagu mas’uul ka yihiin weerarka Hoteel Ambassador, ayna ku Dileen tiro ka mid ah ciidamada Dowladda iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Inkastoo aysan sheegin tiro sugan.

“Xoogaggeenna ayaa weeraray Hotel Ambassador, gudaha ayayna ku jiraan, waxaana socda hawlgal,” ayuu yiri Sh. C/casiis Abuu-Muscab oo intaas ku daray in Hawlgalkan uu qayb ka yahay Hawl-gallada ay ka fuliyaan Muqdisho.

Ugu dambeyntii, waa markii ugu Horreysay oo Al-shabaab ay weerar noocan oo kale ah la beegsato Hoteel Ambassador oo ku yaalla Waddada Maka Al-Mukarama oo ah Midda ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho.

 

Comments are closed