Qaramada Midoobay oo Walaac ka muujisay Xaalada Magaalada Faluuja oo uu Dagaal ka Socdo

ciraaqCiraaq (NN) 01/06/2016

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in kooxda ISIS ee ku sugan Magaalada Faluuja ee Waddanka Ciraaq ay dadka rayidka ah ka dhiganayaan gabaad. Ciidamada dawladda Ciraaq ayaa isku dayaya in ay magaaladaasi dib uga qabsadaan kooxdaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay hayaan Warar sheegaya in Ragga, Haweenka iyo caruurta loo qaaday bartmaha magaalada si ay gabaad ugu nqodaan dagaalamayaasha Daacish.

Xaaladda ay ku sugan yihiin dad lagu Qiyaasay 50,000 oo ruux oo shacab ah ayaa waxaa la soo sheegayaa inay tahay mid daran, iyadoo aan gargaar la gaarsiin karin.

Ciidamada dawladda Ciraaq oo qaaday weerarro xoogan oo qayb ka ah ololaha billowday usbuuc ka hor, ayaa hadda dib loo soo riixay kadib markii ay la kulmeen Weeraro Rogaal celis ah.

Ciidamadani oo taageera ka helaya Duqeymaha xulufada uu Mareykanka hoggaaminayo ka yahay, ayaa lagu soo Warramayaa in ay ku sii siqayaan magaaladaasi oo gacanta ugu jirtay kooxda Khilaafada Islaamka tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2014-kii.

Iyada oo Ciidammadu ay ku sii siqayaan Falluuja bambooyin badan oo gudaha iyo dibadda magaalada ka dhacay ayaa dilay ugu yaraan labaatan ruux.

Ugu dambeyn, Xoogagga kooxda isku magacawda Dowladda Islaamka ah ee Daacish ayaa difaac ka dhiganaya qaraxyo iyo gawaadhi lagu rakibay waxyaabaha qarxa.

 

Comments are closed