Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain oo Socdaal ku imaanaya Caasimadda Somalia ee Muqdisho

xogayahaMuqdisho (NN) 01/06/2016

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain, Philip Hammond ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu booqasho maalin ah ku yimaado xarunta Somalia ee Muqdisho.

Philip Hammond, ayaa la kulmi doona Madaxda Dowladda Soomaaliya, isagoo kala hadli doona Waqtiga kala guurka Doorashooyinka la filayo inay bisha Ogoosto ee sannadkan ka dhacaan Dalka.

Sidoo kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, ayaa la kulmi doona Madaxda Safaaradda Britain ee Muqdisho, isagoo kala hadli doona Xaaladda Soomaaliya iyo sida wax looga qaban karo.

Dowladda UK, ayaa dhawaan ciidammo u soo dirtay Somalia, kuwaasoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ka taageeri doona dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo weli qaybo ka mid ah dalka ka talisa.

Booqashadan waxay noqonaysaa tii saddexaad oo Xoghaye Arrima Dibadeed oo Britain ah uu ku yimaado Somalia, iyadoo sannadkii 2012-kii uu Muqdisho safar maalin ah uu ku yimid xoghayihii hore ee Britain, William Hague, sidoo kale Sanadkii 2013-kii ayuu Muqdisho u yimid Hague si uu u furo Safaaradda Dowladda UK ee Somalia.

Ugu dambeyn, Maalinta Jimcaha iyadana lagu wadaa in Muqdisho uu soo gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan oo markii saddexaad isaguna imaanaya Muqdisho.

 

Comments are closed