Madaxweynaha Turkiga iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Goor-dhow soo gaaray Magaalad Muqdisho

Turkiga Muqdisho  (NN) 03/06/2016

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Turkiga, Recap Tayyip Erdogan ayaa goor-dhaw soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo amniga guud ee Waddooyinka gala Garoonka Diyaaradaha Muqdisho aad loo adkeeyay.

Haween ku labisan Calanka Somalia ayaa ku sugnaa Waddada Garoonka iyo Midda Aadda Madaxtooyada Somalia, kuwaasoo watay caleemo-qoyan si ay wafdiga u soo dhaweeyaan.

Madaxweynaha Turkiga iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, iyadoo socdaalkiisan oo ah middiisii saddexaad oo uu Muqdisho ku yimaado; isagoo Xarigga kaga jaraya Dhismaha Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo dhismaha ugu weyn caalamka ka dhisatay Muqdisho.

Xarig-jarka kaddib ayaa lagu wadaa in Erdogan uu kulammo kala duwan la yeesho Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Somalia, waxaana la sheegayaa in booqashadan ay tahay mid maalin keliya ah oo isla maanta uu ka dhoofayo Muqdisho.

 

Comments are closed