GENEVA (ESTV) 03/06/2016
Wasiirka Wasaarada Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Itoobiya Mudane Abdulfatah Abdulahi oo lagu mar-tiqaaday shirka 105aad ururka caalamiga ah ee ILO ayaa looga hadlay horumarinta shaqada waxaana ka soo Qeybgalay dalalka Caalamka kaasoo lagu Xoojinayo Xorriyadda ururrada shaqaalaha iyo Xuquuq-siinta qofka shaqaalaha ah. Iyo La-dagaalanka caruurta lagu shaqeeyo ama lashaqaalaysiiyo. Ururka ILO wuxuu Caalamka ka caawinayaa dhanka tababarada iyo lagu xoojinayo tayayada shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha,
Wasiirka Wasaarada Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Itoobiya Mudane Abdulfatah Abdulahi oo Khudbad dheer uu ka jeediyay shirkii shalay ee ururka ILO wuxuu uga hadlay sida ay dowladda Itoobiya uga go’an tahay Sidii kor loogu Qaadi lahaa dhaqaalaha dalka, abuurista shaqada iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isagoo dhanka kalena ka warbixiyay xaaladda Guud ee Dalka.
Comments are closed