Mudane Abdulfatah Abdulahi oo Ka Qeybgalay Shirkii 105aad Ururka Caalamiga ee ILO Geneva

Mudane Abdulfatah Abdulahi oo Ka Qeybgalay Shirkii 105aad ururka caalamiga ee ILOGENEVA (ESTV) 03/06/2016

Dawlada itoobiya iyo ururka caalamiga ah ee shaqada (ILO) ee hoos-taga Qaramada Midoobay loona yaqaanno International Labour Organisation ayaa heshiis caalami ah kula saxiixday magaalada Geneva ee dalka Switzerland xukuumadda itoobiya, kaasoo ku saabsan kor-u-qaadidda shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha.

Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay xarunta ILO ee magaalada Geneva ayaa ahmiyaddiisu waxay tahay in shaqo-abuur loo sameeyo dhallinyarada Itoobiya, lana hormariyo ganacsiga waaweyn iyo midka yar-yar ee ka jira dalka Itoobiya.

Abdulfatah Abdulahi Wasiirka Wasaarada Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Itoobiya Mudane Abdulfatah Abdulahi oo lagu mar-tiqaaday shirka 105aad ururka caalamiga ah ee ILO ayaa looga hadlay horumarinta shaqada waxaana ka soo Qeybgalay dalalka Caalamka kaasoo lagu Xoojinayo Xorriyadda ururrada shaqaalaha iyo Xuquuq-siinta qofka shaqaalaha ah. Iyo La-dagaalanka caruurta lagu shaqeeyo ama lashaqaalaysiiyo. Ururka ILO wuxuu Caalamka ka caawinayaa dhanka tababarada iyo lagu xoojinayo tayayada shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha,

Abdulfatah Abdulahi Wasiirka Wasaarada Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Itoobiya Mudane Abdulfatah Abdulahi oo Khudbad dheer uu ka jeediyay shirkii shalay ee ururka ILO wuxuu uga hadlay sida ay dowladda Itoobiya uga go’an tahay Sidii kor loogu Qaadi lahaa dhaqaalaha dalka, abuurista shaqada iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isagoo dhanka kalena ka warbixiyay xaaladda Guud ee Dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaarada Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Itoobiya Mudane Abdulfatah Abdulahi ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa ururka ILO, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada Dal iyo taageerada kala duwan.

Comments are closed