Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka DFI wafdi uu hogaaminayo ayaa Waxaa kamid ahaa Mudane Workneh Gebeyehu Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Mudane Axmed Shide Wasiiru Dawlaha Wasaaarada Maaliyada iyo Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Agaasimaha Guud Airport Interprise iyo Marti kale in ay ka qayb-galey xaflad lagu furayay garoonka diyaaradaha magaalada Qabridahare ee xarunta gobolka Qoraxey waxaana Si Wada Jir ah uga Jaray Xadhiga Madaxweynaha DDSI iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka DFI Ahna Wasiirka isgaarsiinta, dhaqaalaha. Mudane Debretsion Gebremichael,
Waxaa oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka Garoonka Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka DFI Ahna Wasiirka isgaarsiinta, tikn. iyo dhaqaalaha Mudane Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in hir-gelinta mashruucan uu ka tarjumayo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada deegaanka Somalida itoobiya iyo Sidii GTP2 looga Miro dhalin lahaa.
“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isku bogaadiyo, waa maalin reyn-reyn leh, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaraa waxaa sal u ah nabadda. Shacabka reer Deegaanka Somalida itoobiya iyo guud ahaan Dalka Itoobiya waxay muujiyeen geesinimo, hawl-karnimo iyo sida ay uga go’an tahay inay nabadda iyo horumarka u taageeraan. Guusha lagu hir-galiyay mashruucan waxaa iska leh Somalida itoobiya oo dhan,’’ ayuu yiri RW Mudane Debretsion Gebremichael,
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dowladda federaalka itoobiya ay dhiirri-gelinayso mashaariicda horumarinta dalka, isla markaana dhawaan ay gacan ka gaysatay Mashruucii lagu dhisay garoonka diyaaradaha ee Gobolada Kale.
Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ka hadlay dhanka Nabad-gelyada ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa la sameynayo horumarro la taaban karo, isla markaana Deegaanka Shacabka ku dhaqan ay dadaal weyn ugu jiraan inay si buuxda u hantaan hormarka deegaanka ka jira.
“Wax weyn ayaan qabanay, wax badanna way inoo dhimman yihiin. Waxaa keliya ee aan horumar ku gaari karnaa waa jahliga iyo Saboolnimida aan la Dagaalano Maamulka deegaanka waxey Diyaar u yihiin in laga Miro dhaliyo GTP2
waxaa hubaal ah in dadaalka socda uu aakhirka horseedi doono in laga guul-gaaro hadafka aan leenahay oo ah inaan dalka iyo deegaanka oo dhan nabad iyo horumar ku soo dabaalno,’’ ayuu mar kale yri madaxweynaha DDSi.
Madaxweynaha DDSI ayaa xusay in Dowladda federaalka Itoobiya oo gacanta ka geystay dhismaha garoonkan uusan la’aantood hir-geli lahayn, isagoo garoonka ku tilmaamay mid guul u ah dhamaan umadda deegaanka Somalida itoobiya, isla markaasna ay shacabka deegaanka uga maarmi doonaan caqabado badan oo ka haystay xiriirada ganacsi iyo kan bulsho ee ay laleedahay dalalka Carabta iyo Afrika oo uu kala dhexeeyo xiriir ganacsi ah iyo waddamada kale ee dibadda kuwaas oo ay ku kala nool yihiin dadka reer Qurbajoogta dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Ugu dambeyn, madaxweynaha DDSI ayaa uga Mahad Celiyay dhamaan Masuuliyiinta ka Soo Qeybgashay Xaflada Xadhig kajarka Garoonka diyaaradaha ee magaalada Qabridahare.
Comments are closed