SAWIRRO: Garoonka Diyaaradaha Qabridahare  oo xariga laga jaray Maanta (Warbixin)

20160604_090559Qabridahare  (ESTV) 04/06/2016

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka DFI Ahna Wasiirka isgaarsiinta, tikn. iyo dhaqaalaha Mudane Debretsion Gebremichael, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Saaka ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qabridahare,

20160604_090635Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo 3da ku xigeenadiisa ayaa Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka kusoo dhaweeyay garoonka Qabridahare,

20160604_184227Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka DFI wafdi uu hogaaminayo ayaa Waxaa kamid ahaa Mudane Workneh Gebeyehu Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Mudane Axmed Shide Wasiiru Dawlaha Wasaaarada Maaliyada iyo Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Agaasimaha Guud Airport Interprise iyo Marti kale in ay ka qayb-galey xaflad lagu furayay garoonka diyaaradaha magaalada Qabridahare ee xarunta gobolka Qoraxey waxaana Si Wada Jir ah uga Jaray Xadhiga Madaxweynaha DDSI iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka DFI Ahna Wasiirka isgaarsiinta, dhaqaalaha. Mudane Debretsion Gebremichael,

20160604_082046Waxaa oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka Garoonka Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka DFI Ahna Wasiirka isgaarsiinta, tikn. iyo dhaqaalaha Mudane Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in hir-gelinta mashruucan uu ka tarjumayo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada deegaanka Somalida itoobiya iyo Sidii GTP2 looga Miro dhalin lahaa.

20160604_082234“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isku bogaadiyo, waa maalin reyn-reyn leh, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaraa waxaa sal u ah nabadda. Shacabka reer Deegaanka Somalida itoobiya  iyo guud ahaan Dalka Itoobiya waxay muujiyeen geesinimo, hawl-karnimo iyo sida ay uga go’an tahay inay nabadda iyo horumarka u taageeraan. Guusha lagu hir-galiyay mashruucan waxaa iska leh Somalida itoobiya  oo dhan,’’ ayuu yiri RW Mudane Debretsion Gebremichael,

20160604_084731Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dowladda federaalka itoobiya ay dhiirri-gelinayso mashaariicda horumarinta dalka, isla markaana dhawaan ay gacan ka gaysatay Mashruucii lagu dhisay garoonka diyaaradaha ee Gobolada Kale.

20160604_082319Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ka hadlay dhanka Nabad-gelyada ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa la sameynayo horumarro la taaban karo, isla markaana Deegaanka Shacabka ku dhaqan ay dadaal weyn ugu jiraan inay si buuxda u hantaan hormarka deegaanka ka jira.

20160604_090721“Wax weyn ayaan qabanay, wax badanna way inoo dhimman yihiin. Waxaa keliya ee aan horumar ku gaari karnaa waa jahliga iyo Saboolnimida aan la Dagaalano Maamulka deegaanka waxey Diyaar u yihiin in laga Miro dhaliyo GTP2

20160604_082203waxaa hubaal ah in dadaalka socda uu aakhirka horseedi doono in laga guul-gaaro hadafka aan leenahay oo ah inaan dalka iyo deegaanka oo dhan nabad iyo horumar ku soo dabaalno,’’ ayuu mar kale yri madaxweynaha DDSi.

20160604_185005Madaxweynaha DDSI ayaa xusay in Dowladda federaalka Itoobiya oo gacanta ka geystay dhismaha garoonkan uusan la’aantood hir-geli lahayn, isagoo garoonka ku tilmaamay mid guul u ah dhamaan umadda deegaanka Somalida itoobiya, isla markaasna ay shacabka deegaanka uga maarmi doonaan caqabado badan oo ka haystay xiriirada ganacsi iyo kan bulsho ee ay laleedahay dalalka Carabta iyo Afrika oo uu kala dhexeeyo xiriir ganacsi ah iyo waddamada kale ee dibadda kuwaas oo ay ku kala  nool yihiin dadka reer Qurbajoogta dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

20160604_082152Ugu dambeyn, madaxweynaha DDSI ayaa uga Mahad Celiyay dhamaan Masuuliyiinta ka Soo Qeybgashay Xaflada Xadhig kajarka Garoonka diyaaradaha ee magaalada Qabridahare.

20160604_18485720160604_18492320160604_18494620160604_18503220160604_185046

20160604_184835

20160604_08483720160604_08474820160604_08480520160604_08201320160604_08202820160604_08210020160604_08212620160604_08213920160604_08221720160604_08231920160604_08240320160604_082446

 

Comments are closed