DDSI oo Soonka Bisha Ramadaan oo Beri Laga Soomaayo Deegaanka

DDSI oo Soonka Bisha Ramadaan oo Beri Laga Soomaayo Deegaanku Jigjiga  ( ESTV) 05/06/2016

Maalinta beri ah ayaa waxaa lagu wadaa in dad badan oo Islaam ah oo ku dhaqan Dalka Itoobiya Gaar ahaan Deegaanka Somalida itoobiya ee DDSI ay soomaan maalinta kowaad ee bisha Ramadaan.

Caawa masaajida qaarkood xaafada Magaalada Jigjiga ee u badan tahay ayaa laga iclaamiyay in dalal badan oo caalamka Islaamka ah laga arkay bishii Ramadaan sida Sacuudiga sidaa darteedna ay beri tahay maalinta kowaad ee bisha Ramadaan ee barakaysan.

Masaajida qaar ayaa haatan oo warbixintaan aan qoreyno waxaa lagu tukanayaa salaada taraawiixda ayadoo maanta culimaau-diinku muslimiinta ay kuwaaniyeen in cibaadada lagu dadaalo bishaan barakaysan dadka muslimiinta ah si ay noloshooda wax weyn uga baddalaan bisha barakeysan.

Deegaanka Somalida itoobiya guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa dadka kunool ee muslimiinta ahi waxay aad ugu dadaalaan cibaadada gaar ahaan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Comments are closed