Koox hubeysan oo goor-dhaw ku dilay Muqdisho Suxufiyad ka Tirsanayd RAADIYO Muqdisho

muqdisho suxufiMuqdisho (NN) 05/06/2016

Kooxo hubeysan, ayaa Goor-dhaweyd Muqdisho ku Dilay Suxufiyad lagu Magacaabi jiray, Sagal Salaad Cismaan oo ka Tirsanayd Idaacadda DF ee Radio Muqdisho.

Dilka Suxufiyaddaan ayaa ka dhacay Agagaarka Jaamacada Plasma ee Degmada Hodan oo ay wax ka baranaysay, kuna dhaw Isbtaalka Banaadir ee Muqdisho, sida ay Hawl-wadeeno ka tirsan Warbaahinta Dowladda Soomaaliya goor-dhaw u xaqiijiyeen Warbaahinta.

Wariye Sagal Salaad Cismaan, ayaa loola cararay Isbitaalka iyadoo markii dambe dhaawac soo gaaray u geeriyootay. waxaana geerideeda ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Somalia oo ku tilmaamay dilkeeda mid lagu doonayo in lagu niyad-jabiyo dadka u adeegaya Nabadda iyo wanaagga Somalia.

“Allaha u naxariistee, Waxaan Tacsi u dirayaa ehellada iyo Asxaabtii Wariye Sagal Salaad oo ay Dileen Kooxaha Nabad-diidka ah. Sagal Waxay ahayd Weriye Kaalin Muuqata kaga jirtay dib u dhiska iyo wacyi-gelinta shacabka. Dilkeedana Waa Tallaabo kale oo Kooxaha nabad-diidka ay ku doonayaan inay ku Niyad-jabiyaan Shacabka u Adeegaya Nabadda iyo wanaagga Dalkeenna,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Kooxaha Dilkaan Geystay oo la sheegay in ay ku Hubeysan Bastoolado, ayaa dilka kaddib goobta ka baxsaday, iyadoo aysan weli jirin cid weli sheeegatay inay mas’uul ka tahay dilka suxufiyaddan.

Wariye Sagal ayaa Sannadkii iyo Barkii u dambeeyay ka Shaqeynaysay Radio Muqdisho, iyadoo ahayd Barnaamij soo Saare, Waxayna Daadihin jirtay Barnaamijka Salaamaha iyo Tahniyadaha, halka mararka qaarna ay daadihin jirtay barnaamijka Isboortiga oo ay aad u xiiseyn jirtay.

Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia, ayaan weli ka hadlin Dilka Wariye Sagal Salaad Maanta loogu geystay Muqdisho, Waxaana Marxuumaddu ay noqonaysaa Wariyihii ugu horreeyay oo Sannadkan 2016-ka lagu dilo Muqdisho.

 

Comments are closed