Dhacdo kale ayaa boolis xero boolis gaar ka hayay ay dileen nin damacsanaa inuu soo galo xeradaa goor fiid dambe ah gudaha magaalada Mandheera kadib markii ninkaasi uu joogsan waayay inkastoo la sheegay inay ku amreen dhowr jeer inuu joogsado.
Dhacdadaas ayaa dhacday habeynimadii Jimcaha ee Sebtidu soo galaysay. Si kastaba ha ahaatee ninkaa la dilay markii meydkiisa la baarbaaray iyo dharkiisii wax hub ah oo laga helay mauusan jirin.
Mandheera ayaa sida meelo kale oo Kenya ahba waxaa ka dhacay falal badan oo amni darro ah gaar ahaan kagadaal markii ciidamada Kenya loo diray gudaha Soomaaliya sanadkii 2011.
Comments are closed