Miino Ku Qaraxday Gaari Boolis Degmada Mandheera ee Kenya

kenya1Mandheera (NN) 05/06/2016

Qaraxa ayaa dhacay 10kii saac ee xalay sida uu warbaahinta Kenya u xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha sarsare ee biliiska Kenya ee dagmadaasi ku sugan.

Waxaa dhawaacyo fudfudud ay soo gaareen booliskii saarnaa gaarigaa. Gaariga qudhiisa yaa khasaare badan uusan soo gaarin waxaana biliisku sheegeen in la isticmaali karo.

Miinada ayaa waxaa boolisku u badinayaan inay meesha ku aaseen xubno katirsan xarakada Shabaab ayadoo jidkaasi uusan ka fogeyn xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Halka qaraxaasi ka dhacay ee miinadu gaarigaa boolisku wateen ay ku kacday ayaa waxaa lagu magacaabaa Sheekh Barroow waxayna goobtaasi ay ka tirsan tahay degmo-hoosaadka Lafeey oo katirsan isla degmada Mandheera.

Askartii dhaawacyadu soo gaareen ayaa waxaa loola cararay isbitaalka Fino oo ka tirsan degmada Mandheera.

Saraakiisha booliska ee dagmadaasi Mandheera ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Mandheera inay feejignaadaan maadaama ay xog ku heleen in xarakada Shabaab ay qabanqaabinayso inay weeraro ka geysato dagmadaas inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo fooda inagu soo heysa isla markaana lagu wado inay bilaabato maalmo un kadib.

Dhacdo kale ayaa boolis xero boolis gaar ka hayay ay dileen nin damacsanaa inuu soo galo xeradaa goor fiid dambe ah gudaha magaalada Mandheera kadib markii ninkaasi uu joogsan waayay inkastoo la sheegay inay ku amreen dhowr jeer inuu joogsado.

Dhacdadaas ayaa dhacday habeynimadii Jimcaha ee Sebtidu soo galaysay.  Si kastaba ha ahaatee ninkaa la dilay markii meydkiisa la baarbaaray iyo dharkiisii wax hub ah oo laga helay mauusan jirin.

Mandheera ayaa sida meelo kale oo Kenya ahba waxaa ka dhacay falal badan oo amni darro ah gaar ahaan kagadaal markii ciidamada Kenya loo diray gudaha Soomaaliya sanadkii 2011.

 

Comments are closed