SOMALILAND: Booliiska oo Gacanta ku dhigay Saddex Ruux oo looga Shakiyey Argagaxisonimo

somaliland1Hargeysa (NN) 05/06/2016

Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa la sheegay in shalay qabteen 3-ruux oo looga Shakiyay in ay doonayaan inay Qaraxyo ka fuliyaan Maxkamadda sare ee Somaliland.

Wararka laga helayo saddexdaas ruux ee laga shakiyey ayay wararka qaarkood sheegayaan in lagu qabtay walxaha qarxa, iyadoo wararku sheegayaa inuu ka mid ahaa Ragga la qabtay nin ay walaalo ahaayeen hogaamiyihii kooxda Al shabaab Axmed Cabdi Godane oo horana uga mid ahaaa kooxdaasi, balse hadda ka mid ahaa koox dhaqan celin lagu samaynayay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali oo warbaahinta qaarkood arrintan wax ka waydiiyeen ayaa sheegay inay jiraan dad laga shakiyey oo maxkamada sare laga qabtay, balse waxa uu xusay in ciidanka amnigu gacanta ku hayaan.

Ciidanka Booliska ayaa baadhitaan ku wadda saddexdaasi nin ee looga shakiyey inay qarax ka Samaynayeen Maxkamadda Sare ee Somaliland, illaa Haddana Ciidamadu kama Hadlin Qabashadda Raggaas looga shakiyey inay Walxaha qarxa siteen.

 

Comments are closed