Madaxweynaha Turkiga iyo Boqorka Jordan oo ka Qayb-gelaya AASKA Maxamed Cali Kalaay

FILE - In this Sept. 27, 2014, file photo, Muhammad Ali is shown before the Ali Humanitarian Awards ceremony in Louisville, Ky. A family spokesman for Muhammad Ali says the boxing great has been released from a hospital after recovering from a severe urinary tract infection. Ali spokesman Bob Gunnell says the three-time world heavyweight champion is back home after being released from an undisclosed hospital Tuesday night, Jan. 6, 2015.  (AP Photo/Timothy D. Easley, File)

Mareykanka (NN) 07/06/2016

Madaxweynaha dalka Turkey, Reccep Tayyip Erdogan iyo Boqorka Jordan, Boqor Cabdalla, ayaa Maraykanka uga qayb-galaya Aaaska Eebbe ha u naxariistee Feeryahankii Maraykanka ahaa, Maxamed Cali Kalaay oo ku geeriyooday Jimcihii hore Isbitaal lagu daweynayay.

Xaflad lagu qaban doono Garoon Ciyaaraha Louisville waxaana ka qayb-geli doona 22 kun oo qof, iyadoo markaas kaddib maydka Kalaay la marin doonaa waddooyinka Magaaladaas oo ah tii uu ku dhashay, iyadoo aaskiisana si toos ah looga daawanayo Caalamka oo dhan.Afhayeenka Qoyska Maxamed Cali Kalaay, ayaa sheegay in Aaska Maxamed Cali Kalaay uu ka dhici doono Magaalada Louisville ee Gobolka Kentucky maalinta Jimcaha ah, ayna kasooo qayb-geli doonaan madax kala duwan oo caalamka ka socda.

Sidoo kale, Maalinta Khamiista ah ee soo socota waxaa la qaban doona Xaflad Aas ah oo Qoyska Maxamed Cali ay ka Qayb-geli donaan, iyadoo dhanka kalena Salaad Janaaso ah lagu tukan doono Maydka Maxamed Cali Kalaay.

Dhanka kale, Afhayeenka qoyska Kalaay ayaa xusay in habka Aaska uu u dhacayo uu hore u sii Qorsheeyay Maxamed Cali Kalaay ka hor inaanu geerioon.wuxuuna ku daray intaas in Kalaay uu doonayay in dad diimo kala duwan haysta ay maydkiisa kasoo Qayb-galaan.

UGu dambeyn, Dadka Aaska ka hadli doona waxaa ku jira Madaxweynihoii hore ee Dalka Maraykanka Bill Clinton, oo muddo dheer ay saaxiibo ahaayeen Maxamed Cali Kalaay

 

Comments are closed