Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya oo Maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Nairobi, Kenya

dhanaabNairobi (NN) 07/06/2016

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta kulan ay kaga Hadli doonaan Arrimaha Qoxootiga Soomaalida ee ku nool Xeryaha Dhadhaab ku yeelanaya Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Xasan Sheekh ayaa shalay booqday markiisii u horreysay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya, halkaasoo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo Soomaali ah, isagoo sheegay in dib u celinta Qoxootiga ay noqonayso mid qiyaari ah, balse aanu jiri doonin in qasab lagu celiyo.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo la Hadlayay BBC-da, ayaa ka dhawaajiyay in kulanka Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin: Qoxootiga, heshiisyo horay ay labada dal u galeen iyo Xoojinta xiriirka labada waddan.

“Kulanka ay maanta yeelanayaan Madaxweyne, Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta, waxaa looga hadli doonaa Arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada wadan, Qoxootiga iyo heshiiyo hore oo la xiriira amniga iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay in kulanka labada madaxweyne uusan ahayn mid ay ku shaacin doonaan hannaan kale oo Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ku nool dalkooda loogu celinayo, balse ay kawada hadli doonaan qoxootiga oo horay heshiisyo looga gaaray.

“Go’aanka kama dambeysta ahi Maanta ma soo baxayo, laakiinse labada dhinac waxay isla eegi doonaan in heshiiskii Saddex-geesoodka ahaa ee horay looga gaaray loo maro Dib u celinta Qoxootiga oo aysan noqon mid aan heshiiskaas ku saleysnayn,” ayuu hadalkiisa ku daray Daa’uud Aweys.

Ugu dambeyn, Aweys ayaa xusay in labada madaxweyne ay isla gorfeyn doonaan arrimo ay ka mid yihiin; Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM, sidii Amniga xuduudaha loo adkeyn lahaa iyo welila La-dagaallanka Argagaxisada.

 

Comments are closed