Wafdigii Aqoon-is-weydaarsi itoobiya oo maanta la kulmay Wasiirka Arrimaha dibada Australia

13393285_1762597027351340_242155120_nAsutralia (EStV) 08/06/2016

Aqoon Is-weydaarsi aad loo Agaasimay oo u soo qaban-qaabiyey Dawlada Australia oo ay kasoo Qayb-galeen Madaxweynayaasha Dawlad Deegaanada Itoobiya uu kamid yahay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa ka dhacay Magaalada Sednay ee wadanka Australia

13348950_1762597074018002_715989430_nWaxaa Aqoon-is-weydaarsiga lagu casuumay Aqoon-yahannada dalka Australia iyo masuuliyiin ugu sareysa uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha dibada dalka Australia iyo Wasiirka Maaliyadda ee dalka Australia Iyadoo Aqoon-is-weydaarsiga uu xiriirinayay labada dal itoobiya iyo Australia.

13393394_1762597040684672_1058574289_nwasiirka Arrimaha Dibada dalka Ausrtalia ayaa isna ka hadlay Xiriirkii Taarikhiga ee ka dhaxeeyey Itoobiya iyo Australia.  Wuxuuna aad u Faah-faahiyey ugana War-bixiyey wax-tarka la taaban karo ay Australia ka qabdaneyso sidii itoobiya, ay ugu caawin laheyd kuwaasoo ay ka mid yihiin; Waxbarashada, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Dhismaha Wadooyinka.

 

Comments are closed