Ethiopia: Waan iska caabinay weerarkii ay ku Qaaday Al-shabaab saldhiggeena tuulada Halgan

halgan1Halgan (NN) 09/06/2016

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay iska Caabiyeen weerar Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamadooda ay ku lahaayeen Tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan subaxnimadii hore ee saakay.

Safaarada dowlada Itoobiya ee ku taala magaalada Muqdisho ayaa u sheegtay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA in weerarkaasi ay soo qaadeen Al-shabaab lagu Gaar-siiyay khasaaro badan.

“Weerarkaan Al-Shabaab waxaa looga dilay 120 dagaalamayashiii weerarka soo qaaday ka tirsan, Sidoo kale waxaa looga furtay tiro badan oo hub ah oo ay ka mid yihiin; AK-47 oo ka badan boqol qori, garneelada garbaha laga rido iyo gaadiid dagaal,” Sidaas Waxaa yiri Kamaaludiin Mustafa oo ka tirsan Safaarada dowlada Itoobiya ee Muqdisho.

Warka laga soo xigtay safaarada ayaa intaa ku darraya in Al-Shabaab ay afar jiho ka soo weerareen laakiin ciidamada AMISOM oo u diyaarsanaa in ay ka hortagaan weerarada nuucaan oo kale ah ay fashilyeen weerarkaas.

Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegtay in weerarkan ay ku dileen 43 askari oo ka tirsan ciidammada Itoobiya.

Ugu danbeyntii, wali waxaa jira warar kala duwan oo ka baxay deegaanka Halgan oo ah halka weerarku ka dhacy.

 

Comments are closed