FAAHFAAHIN: Khasaarihii Weerarkii ay Saakay Al-shabaab ku qaaday xerada AMISOM ee Halgan

halganHalgan (NN) 09/06/2016

Xaaladda Deegaanka Halgan ayaa wali Cakiran, kaddib dagaal dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ku dhax-maray Xoogagga Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo ciidammada Itoobiya ee qeybta ka ah hawl-galka AMISOM.

Dagaalka ayaa ku bilaawday weerar ismiidaamin ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidammada Itoobiya ,iyadoo wixii waqtigaa ka dambeeyayna waxaa la maqlayay Hub kala duwan oo ay ka mid ahaayeen madaafiic, qoryaha ku rakiban gadiidka dagaalka iyo weliba garneelada garbaha laga tuuro.

Guddoomiyaha Deegaanka Halgan, Guhaad Cabdi Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa xusay in Gadiidka dagaalka Al-shabaab gudaha u soo galeen magaalada, isaga oo intaas ku daray in uu jiro khasaare ballaaran oo soo gaaray kooxihii weerarka soo qaaday.

Waa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo khasaaraha dhinaca kale soo gaaray ciidanka Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya, laakiin waxaa uu sheegay inuu arkay meydadka 95 ka mid ah Xoogagga Al-shabaab.

Dhinaca kale, Afhayeenka Hawl-galada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abu-muscab oo la hadlay isagana warbaahinta ayaa sheegay inay weerarka ku dileen 43-Askari oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, kaddib markii ay weerar ku qaadeen sidda uu hadalka u dhigay saldhig ay degenaayeen ciidammada Itoobiya.

Weerarkaan oo noqonaya midkii ugu Cuslaa tan iyo markii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka, ayaa khasaare ballaaran sidoo kale wuxuu kasoo gaaray madaafiic shacabka ku haleeshay guryihii ay deggenaayeen.

Geerida Lix Ruux oo rayid ah, ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijinayaa inkastoo laga yaabo inay tirada intaa ka sii badato.

Ugu dambeyn, Weerarka ayaa u ekaa mid la mid ah weerarro sidan oo kale horay Xarakada Al-shabaab uga geysteen deegaanada Leego & Ceel-cadde ee Gobollada Shabeelada Hoose iyo Gedo, oo ay ku dileen tiro badan oo ka mid ah ciidammada AMISOM

 

Comments are closed