Sweden (ESTV ) 09/06/2016
waxaa ugu horayn furitaankii Xaflada ka hadlay Madaxa Jaaliyadda Scandinavian Mudane Abdiaziz Serar Hashi oo ka warbixiyay Ahmiyada Xaflada Guusha 20ka Ginbood Xusitaanka iyo dabaaldaga xuska munaasabada 20ka ginbood waa maalin ku wayn quluubta iyo qalbiyada qoomiyadaha, shucuubta iyo dadyowga dalkeena itoobiya. Waana maalin mudan in la wayneeyo xusitaankeeda Waana maalin xusitaankeedu ina xasuusinayo jihooyinkii looga soo gudbay dhibaatooyinkii iyo cadaadiskii iyo cabudhintii Qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ay ku jireen maamuladii boqortooyadii iyo tii kaligii taliskii dhergiga.
Mudane Abdiaziz ayaa inta Ku Daray in Maanta Shacabka dalka Itoobiya iyo Gaar ahaan Deegaanka Somalida itoobiya ay Haystaan Dimuqoraadiyada iyo Hormar dhamaan Qowmiyadaha iyo Shucuubta dalkeena itoobiya 25 Guuradii 20ka Ginbood Maanta Waxeynu ku Dabaal dageynaa Hormar nabad galyada iyo Maamul suuban.
Waxaa kaloo Halkaasi kahadlay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSI Ee Sweden Marwo Ifraax oo ka Warbixisay hormarka Maanta 20ka Ginbood laga Dhaxlay Waxaa marqaati u ah Airport Weyn ee Maanta laga Hirgaliyay Magaalada Qabridahare ee xarunta gobolka Qoraxey oo lagu hir-galiyay mashruucaasi Weyn Miisaaniyadda heer Deegaan
Comments are closed