Daawo Obama oo si rasmi ah u taageeray musharaxnimada Hillary Clinton

obamaMareykanka (NN) 10/06/2016

Madaxweynaha xilka ka degaya ee dalka Maraykanka Barack Obama ayaa maalintii khamiista si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu taageerayo musharaxnimada Hillary Clinton ee xisbiga Dimoqraadiga. Waa markii u horeysey ee Obama uu ku dhawaaqo taageerada aan kala harka lahayn ee uusiinayo Xoghayahihiisi hore ee Arrimaha Dibadda Hillary Clinton.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa galay tartan aad u adag, waxaana Hillary ka hari waayey oo sheegay in uu ilaa shirka Xisbiga ku dheganaan doono Sen. Bernie Sanders oo ku guuleystey 23 gobol oo doorashooyinka is-reeb-reebku ka dhaceen.

Sida laga soo xiganayo Obama iyo Clinton ayaa ol-ole wada jir ah ku qabanaya gobolka Wisconsin, kaas oo ah gobolada wax kala saara, gobolkaas ayaa Obama ku lee yahay taageerayaal badan inkasta oo Hillary looga guuleystey gobolkan.

“She’s got the courage, the compassion, and the heart to get the job done.”

Watch President Obama endorse Hillary.

Waxaan si firfircoon uga qaybqaadanayaa ol-oleheeda, waxay leedahay geesinimo, naxariis iyo qalbi aaminsan in uu shaqada sidey ahayd u qabtey ayuu yiri Obama.

Taageerada Obama ee Hillary ayaa imaanaysa kadib markii uu oo Aqalka Cad Khamiistii kula kulmey Sen.Bernie Sanders oo tartan kula jirey Hillary.

SSen. anders ayaa muujiyey in uu tartanka ka harayo isla markaana taageerayo Hillary kadib doorashada Washington DC maalinta Salaasada, waxaana uu sheegay in muhimaddu tahay in afka ciidda loo daro Donald Trump.

Sanders ayaa sheegey in uu rajeynaayo in Hillary ay noqoto Madaxweynaha aqlabiyadda dadka Maraykanka ah ee aysan noqon mid Madaxweyne u noqota 1%, oo uu ula jeedo dadka maalqabenka ah ee ay ku xiran tahay.

Doorashada Maraykanka ee bisha Nofeember ayey ku loolami doonaan Donald Trump oo ka socda Xisbiga Jamhuuriga oo hadda kala qaybsan iyo Hillary Clinton oo ka socota xisbiga Dimoqraadiga.

Comments are closed