Haweeneyda Guddoomiyaha u ah Midowga Afrika oo Cambaareysay Weerarkii Alshabaab Ku Qaaday Halgan

 

bbHalgan (NN) 10/06/2016

Haweeneyda guddoomiya u ah ururka midowga Afrika,  Nkosazana Dlamini-Zuma  ayaa cambaareysay weerarkii shalay xarakada Shabaab ay ku qaaday fariisin ay ciidamada Itoobiya ee AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Halgan oo katirsan gobolka Hiiraan.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaas oo xooggaanaa oo u dhexeeeyay Al-shabaab iyo AMISOM gaar ahaan ciidamada itoobiya ee AMISOM iyo ciidamada DF la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana labada dhinac uu khasaare xooggan uu dhex maray.

Dadkii deegaanka ahaa ee rayidka ahaa ayaa ayana khasaare soo gaaray oo dhaawacooda la geeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee xarakatu Shabaab ay weerarto fariisin ciidamada AMISOM ay leeyihiin.

Bishii 1aad ee sanadkaan xooggaga Al-shabaab ayaa waxay weerareen xero ciidan oo ciidamada KDF ay ku lahaayeen magaalada Ceel Cadde ee gobolka Gedo Soomaaliya.

 

Comments are closed