Kuczynski oo ku guuleystey doorashadii dalka Peru

epa05354085 Peruvian presidential candidate Pedro Pablo Kuczynski (C) delivers a speech accompanied by his wife Nancy Lange (L) and his Vice President Mercedes Araoz (R) after the National Office of Electoral Processes (ONPE) has announced him as virtual winner of Peru's presidential runoff, in Lima, Peru, 09 June 2016. The ONPE said that Kuczynski is the virtual winner of Peru's presidential runoff by 50.12 percent over of 49.8 percent of Keiko Fujimori with 99.77 percent of the votes counted.  EPA/Ernesto Arias

Peru (NN) 10/06/2016

Kuczynski Pedro Pablo ayaa ku guuleystey doorashadii dalka Peru ee Koonfurta Ameerika ka dhacdey, waxaana uu si dirqi ah uga guuleystey gabadha la yiraahdo Keiko Fujimora, isaga oo dheeraadey 40 000 oo cod oo keliya.

Keiko Fujimora ayaan weli oggolaan in doorashada looga adkaadey, iyada oo Guddiga Doorashadu ku dhawaaqeen in Kuczynski Pedro Pablo uu ku guuleystey doorashadii, maalintii Axadda ka dhacdey Peru.

Kuczynski ayaa la dhihi karaa waxa uu Fujimori kaga guuleystey 0,2%, taas oo ilaa hadda haweeneydan ku qanci la dahay, waxaana ay ku doodeysaa in tirinta codadka gobolo ay ku guuleysatey khaladaad ku jiraan.

Ninka ku guuleystey doorashada Peru ayaa ah 77 sano jir ka soo jeeda qaxootigii Yuhuuddii ka tagtey qaaradda Yurub, horay waxa uu u noqdey Wasiirka Maaliyadda Peru, waaana ganacsade caan ah.

Comments are closed